Lawyacaddo (ANN) Ku dhowaad  19 qof oo u baddan dumar iyo carruur, ayaa ku dhintay xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo Djibouti, kadib markii ay ka taalabeen magaalada Lawyacado xalay, iyagoo doonayay inay si sharci daro ah u galaan gudaha Djibouti, balse haraad iyo darxumo

 

haleeshay, isla markaana ku geeriyooday  gudaha xuduuda Djibouti  maanta, iyadoo isla maanta la aasay 19 qof  oo ka mid ah 24 qoh oo ay ka koobnaayeen dadkaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo saraakiisha masuuliyiinta dhinaca Somaliland ee gobolka Salal ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews inay dadkaa oo xalay ka talaabay xadka labada dal u socdeen dhinaca Djibouti, balse ay 19 ka mid ahi ku dhinteen duleedka gudaha xadka dhinaca Djibouti oo Maydkooda laga helay, iyadoo ay ciidamada dalka Djibouti shan ka mdi ah dadkaa ku gaadheen nolol, kuwaas oo loola carary dhinaca dalka Djibouti.  
Dadkaa oo Ethopian ah, isla markaana u baddan qowmiyada Oromia  ayaa doonayay inay u haajiraan dhinaca dalka Djibouti, balse lama garano inay doonayeen inay kasii gudbaan halkaa, maadaama ay qaar ka mid ah dadka tahriibayaasha ee nolol raadiska ahi  ka baxaan gudaha dalka Djibouti, iyagoo halkaa ka raaca Doonyo yar yar oo dhinaca dalka Sucuudiga u qaada dalka.


Hase yeeshee tahriibayaasha ayaa sida ay dadka deegaanka Lawyacado u xaqiijiyeen shebekada Araweelonews kusoo beegmay xili kulaylka xaggaagu marayo meel aad u khatar ah, isla markaana uu ka dhacayo deegaanka xeebaha hanfi aad u daran, taas oo keentay inay dadkaa tahriibayaasha ah oo aan sidan sahay Biyo  iyo cunto toona. Sidaana ku haligmeenka , “Dadkani waxay ahaayeen Dumar iyo Caruur   waxayna xamili kari waayeen kulaylka xaggaaga iyo hanfiga.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka .
Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Download: www.ieType.com/e.php?EhqkPz

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *