Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta wareegto uu soo saaray Muj. Xamse Ciise ugu Magacaabay in uu noqdo xoghayaha gobolka Hargeysa, halka uu xoghayihii hore
ee gobolka Caaqil Deeq xilkii kaga qaaday.
Wasirir Gaboose ayaa ka codsaday xoghayaha cusub in uu xilka sida ugu dhakhsaha badan ula wareego, iyada oo uu xogyihii hore ee gobolkana uu uga mahadnaqay sida fiican ee uu xilka u hayay iyo waxyaabihii uu qabtay mudadii uu xilkaas soo hayay.
Muj Xamse ciise oo ahaa dhalinayarada inta badan ka dhexmuuqda ururada bulshada iyo xidhiidhinta dhalinyarada, isla markaana ka qayb qaatay yagleelida qaar ka mid ah daladaha ay ku bahoobaan Ururada bulshada. Sida Deegaan Net Work iyo kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada ayaa ka mid aha dhalinyaradii ugu firfircoonayd ee xisbiga Kulmiye wakhtigii lagu jiray Ololaha iyo waliba ka hor, isagoo mudadii ugu danbaysay ahaa xoghayihii gobolka maraadi jeex ee xisbiga Kulmiye, wuxuuna mudadii ololaha si weyn uga dhexmuuqday dhalinayarada xisbiga kulmiye, wuxuuna si weyn ugu hamiyay oo uu dedaalkiisa isugu geeyay sidii uu xisbigoodu codad badan uga kasban lahaa gobolka Hargeysa, isla markaana xisbigoodu is bedel dhab ah ka samayn doono dalka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380