Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaalkii ay ku tageen dalka Britain. Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu diyaar garoobay

 

soo dhowayntiisa, balse waxa jiray dareeno cabsiyeed oo ku xeernaa soo dhowayntiisa, kuwaas oo laga cabsi qabay mudaharaadyo iyo cabashooyin ka dhashay talaabooyinka xaalufinta Dhirta iyo dadka danyarta ah ee Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeysa samaysay maalmihii u danbeeyay.
Sidoo kale waxa jirtay cabsi laga qabay dhinaca amaanka, iyadoo ay ciidamada amaanku ilaa xalay wadeen baadhitaano iyo hawlgalo lagu adkaynayo amaanka. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan Marwadiisa iyo wasiirka Arrimaha debeda Somaliland markii ay kasoo degeen Madaarka, waxa halkaa kusoo dhoweeyay Madaxweyne xigeenka Somaliland, masuuliyiin, xildhibaano labada gole iyo dadweyne kale. Wuxuuna hadal kooban oo uu kaga hadlayo safarkiisa ku siiyay saxaafada qolka nasashada ee VIP-da.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in ujeedada safarkiisa Britain kusoo dhamaaday guul, isagoo yidhi,  “Arrimaha lagu soo qaadayay Shirkii London dabcan waa lagu soo qaadayay arrimaha Soomaaliya, waa laga waramay in mustaqbalka Somalia iyo Somaliland wada hadlaan. Waxaanu u qaadanaynay ma aha in Somalia oo la isku noqonayo ma aha. Somaliland oo qadiyadeeda haddii ay horeyso iyo dambaysaba goonideeda u go’an weeye oo siday tahay u sheegaysa oo u soo bandhigaysa dunida iyo cidii timaadaba.”
“Shirarkaas aanu ka qeyb galay qadiyadda Somaliland ayaanu soo bandhignay, mudaharaadkii aanu u soo baxnay iyo taageeradaasi badan ee aanu ka helay Guddo iyo dibadba. Waxaanu aragnay dawladdo faro badan oo kala gooni gooni ah oo aan xidhiidh la yeelanay. Waxaan leeyahay shirkaasi caam ahaan wuxuu ahaa shir aad iyo aad u faa’iido badan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha oo ka hadlayay kulamo ay la yeesheen dawladda Britain wuxuu yidhi, “Dawladda Ingiriiska oo iyaduba marka horeba balan qaaday inaanu is arag gooniya yeelan doono, iyaguna mucaawimooyin badan oo wax ku ool ah ayay balan qaadeen oo ay u fidin doonaan Somaliland Haddii Allaha awooda  ka dhigo aqbalo. Waxaanu is aragnay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka qaabilsan mucaawimooyinka. Markaa caam ahaan marka la soo koobo waxaan odhanayaa shirkaasi wuxuu ahaa mid aad loogu soo guulaystay oo aad Somaliland u soo bandhigtay danaheeda, waxyaabaha ay qabsatay iyo aayaha mustaqbalka ay rabto.”
Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay la kulmeen wufuud faro badan oo ay ka mid ahayd dawladdaha Turkiga,Denmark,Holland iyo Madaxweynaha dalka Seychelles, waxaanu xusay inuu madaxweynuhu dhammaantood kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamadooda.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisii sii watay wuxuu yidhi “Dawladda Turkiga wuxuu madaxweynuhu kala hadlay baahidda Somaliland u qabto inuu Turkigu gacan ka geysto baahiyaha xagga horumarka ee dalkeena, waxaana la isku afgartay in wefti ka socda dalka Turkigu uu dhawaan Somaliland yimaado oo ay qiimayn ku sameeyaan baahiyaha ugu waaweyn ay wax ka qabtaan. Ka dibna Turkigu wuxuu nagu marti-qaaday in wefti ka socda Somaliland ay tagaan dalkaasi. Turkigu mashaariic badan ayay ka wadaan Soomaaliya mashaariicdaasi qaar la mid ah ay ka fuliyaan Somaliland.”
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kulamo noocan oo kale ah la yeesheen Swizerland, Holland iyo wadamo kaleba.
Dr. Maxamed Cabdullaahi wuxuu intaa  ku daray inay weftigii Madaxweynuhu ay dukumanti ku gudbiyeen warbixin dheer oo la xidhiidhay rabitaanka shacbiga Somaliland.
Hase yeeshee  waxa madaxweynaha la weydiiyay su’aal ahayd inay dawlad ahaan u qorshaysan tahay inay la kulmaan Dawlada TFG-da Soomaliya, yaaase ku  haboon inay idin dhex joogaan, waxaanu, isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Horta taasi wali maanu gaadhin cida aanu la hadli doono Dawlad kasta oo timaadda oo Soomaaliya ah, kala hadli mayno sidii ay Somalia isku raaci lahayd, haddii wada hadal yimaado waxaanu kala hadli doonaa waxay noqonaysaa sidii ay iskaashi labada dawladood iyagoo kala madax banaan u samaysan lahaayeen.”
“Dawladda iyo dalka Somaliland madax-banaanidiisa cid aanu marti uga nahay ama aanu weydiisanaynaa ma jirto,laakiin wixii mandaqada ee nabad-gelyo ku saabsan ee wax kale ku saabsan ama iyagu (Soomaaliya) nooga baahdaan ee gedi socodka nabadda la xidhiidha iyo sidii ay Somaliland nabadda u dhalisay oo dunidu had iyo goor nagu dhiiri geliso inaanu ku caawino Soomaaliya. Sidaasi ayay noqonaysaa waxa laga wada hadlayaa,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo ay weli ku sugayaan madaxdii soo dhowaynsay iyo dadweynihii Madaarka iyo wadada dheer ee madaarka, waxa lagu war helay isagoo la socda gaadhi yar oo maraya Saldhiga Dhexe ee Hargeysa, isla markaana gaadhiga uu saarnaa ka dhex salaamaya dadka,  iyadoo weli masuuliyiinta soo dhowayntiisa ka qaybqaatay ku sugan yihiin Madaarka.  Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka degey gaadiidkii uu saarnaa markii uu marayay Cusbitaalka Guud ee hargeysa, isagoo socod lug ah ku tegey qasriga Madaxtooyada, iyadoo aanay ilaalo la dareemi karo wadan, isla markaana aanay la socon gaadiidka Tignikada ee Madaxtooyadda Somaliland oo ku danbeeyay Madaarka xiliggaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *