Muj Xasan Ciise1
Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku baaqay in xalka khilaafka KULMIYE faraha looga qaado

 

ergada Golaha Guurtida ee hawlaha dhexdhexaadinta ku hawlan, isagoo soo jeediyey in aan la barbar cararin, lagana carsha-carshayn hawshooda.

Muj. Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in khilaafka KULMIYE ku qurux badnaa inay dhexdooda xallistaan ka hor intii aannu bannaanka u soo bixin, soona gaadhin in guurtidu u gurmato.

“Waxa ay ku habboonayd oo ay ku wanaagsanayd in qolyaha KULMIYE gudahooda intii aanay arrintu soo shaac-bixin ku dhammaystaan, weliba hadday jiraan dad KULMIYE ah oo dhexdhexaada oo daacad ka ah ay arrintaas gacanta ku dhigaan bay ahayd oo KULMIYE ahaan dhexdooda ku dhammaystaan,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac oo u warramay shabakada wararka ee hadhwanaagnews.

Waxa kaloo uu ku baaqay in aan la buunbuunin khilaafka KULMIYE, lana gaadhsiin heer qaran, balse lagu koobo heer xisbi, isagoo tilmaamay in aanay fiicnayn in lala kala safto labada dhinac ee is-haya, arrintaasoo uu xusay in danta qaranka iyo ta ummaddu ku jirin.

“Marxaladdaasi hadday suurtogal noqon weyday oo laga soo gudbay, imminkana ay guurtidu arrintii dhexdhexaadinayaan, danta ummaddu waxay u jirtaa in guurtida loo daayo inta ay ka gun gaadhayaan khilaafka KULMIYE oo aan laga carsha-carshayn oo aan la garab cararin amma khilaafka la sii buun-buunin oo aan labada qolo la kala raacin, khilaafkii KULMIYE dhexdiisa  ku ekaan lahaa aan la qaramayn oo laga dhigo khilaaf iyo dagaal qarameed oo ummadda oo dhan kala raacdo danta dalka iyo ta ummadda midnaba kuma jirto sidaas.Laakiin waxay ku jirtaa in aan khilaafka heer qaran la gaadhsiin, laguna hayo heer xisbi, in loo daayo mar haddii ay marxaladdii labaad gashay Golaha Guurtida ayaan soo jeedin lahaa.

Labada dhinac ee la kala raacayaa dagaalka iyo khilaafka ayuun bay sii kordhinaysaa ee xal keeni mayso, markaa Golaha Guurtida aynnu u daynno oo hadday gacan ina soo waydiistaan aynnu siinno, laakiin ha loo daayo iyaga waqtigan haddii ay arrintii ku jiraan, hana ka gun gaadhaan,” ayuu yidhi Xasan Ciise.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *