mohamed salahamisomHargeysa(Araweelo News Network)Ergayga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’med Saalax Al-nadiif oo hore u ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Chad, ayaa wer-wer  ka muujiyay

 

mustaqbalka Dowladda Federaalka ee Somalia marka la gaadho sanadka 2016, xiligaa oo hore loogu qorsheeyay in nabad lagusoo dabaalo Dalka Somalia ee rabshadaha iyo collaaduhu sida weyn u aafeeyeen.

Mr. Saalax wuxuu sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda BBC-da oo ku sheegay in xarakada A-shabaab ay go’doomin ku sameeyeen magaalooyinka laga qabsaday March 2014, deegaamadaa oo sida uu xusay ay ciidamada AMISOM kala kulmayaan dhibaatooyin dhan walba ah.

Ergayga Ururka Midawga Afrika ee Arrimaha Somalia, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Ciidamada AMISOM culeysyo ayay kala kulmayaan Al –Shabaab,  sababtoo ah waxay shabaabku go’doomiyeen magaalooyinka, taasi oo sababtay in dadkii shacabka ahaa ka barakacaan, magaalooyinkuna ay noqdaan kuwa ciidamada AMISOM oo keliya ku nool yihiin”.

Mar uu ka hadlayay mustaqbalka iyo rajadda Somalia, waxa uu yidhi, “Rejada ah in soomaaliya nabad noqoto 2016-ka oo doorashooyin la qabto aad bay u yartahay,xaqiiqda ayaa ah in ciidan shisheeye aanay Nabad dhalin karin waa in Soomaalidu ciidankeeda dhisataa oo ay ammaankeeda sugataa”ayuu yidhi.

Waxa uu mad-madaw geliyay xiliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Somalia,wuxuuna sheegay in 2016-ka wixii ka dambeeya ay bilaabayaan sidii ay dalka soomaaliya uga bixi lahaayeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *