Aadan Axmed WarsameHargeysa(Arraweelo News)Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda. Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kazoo baxay manta qasiraga madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka

 

madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.
Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.

Ujeedo:          Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Aaden Axmed Warsame,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda                                                            
Mudane,
Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.’ Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *