Muj maxamed kaahinHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed, fariimo hanjabaad iyo tallooyin ah u mariyay warbaahinta Madaxweyne

 

Siilaanyo iyo wasiirradiisa oo lagu eedeeyey inay lugta kula jiraan khilaaf mar kale dib uga cusboonaaday xisbul xaakimka Kulmiye oo dhashay liisaska gudida fulinta iyo golaha dhexe ee lagu dhawaaqay todobaadkii hore.

Maxamed Kaahin oo isaga iyo xubno kale oo ka tirsan KULMIYE shir jaraa’id ku qabteen xarunta xisbiga, waxa uu si adag ugu eedeeyey xubno wasiirro ah inay abuureen khilaafka, isla markaana iminka wadaan shir qayrul-sharci ah oo ay ku doonayaan inay isugu keenaan xubnaha golaha dhexe uu ku tilmaamay inuu horseedayo burburka xisbal-xaakimka.

“Madaxweyne dhibaatada ku haysa iyo dagaalka xisbiga KULMIYE ee jira ee wasiirradaadu ay kow ka yihiin haddii aniga iyo Muuse Biixi ay yihiin in aan loo burburin xisbiga KULMIYE, dastuurka Qaranka Somaliland xilka golaha wasiirrada waxa uu u tilmaamayaa xubinta ka mid ah Golaha Wasiirradu waxay madaxweynaha u metashaa hawsha uu u xilsaaray. Shirweynaha xisbigu wuxuu doortaa hoggaankiisa iyo xubnaha golaha dhexe, waxa kale oo uu ansixiyaa distoorka xisbigu golaha dhexe oo ah ka ka wakiilka ah, arrinta maanta keenaysa in meelo kale la kiraysto, ta keenaysa in shir kale la qabto waxay dhammaantood yihiin in sidii xisbigii UDUB u burburay KULMIYE u burburo, waxaanna burburinaya wasiirrada leh waa dagaale dhinac raac. Xalay (habeenimadii Axaddii) sow lama eryin Maxamed Cabdillaahi (Wasiirkii hore ee Ganacsiga), saaka (shalay) ayaa laba wasiir ila soo hadleen oo mid wuxuu igu yidhi ‘xalay baanu erinay Maxamed Cabdillaahi,’ kii kalena wuxuu igu yidhi ‘RRU-dii ayaa heegan la geliyey ee miyaan adiga iyo Muuse Biixi miyaan la idin xidhin,” ayuu yidhi Madaxweyne Kaahin.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin ayaa ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in haddii ay isaga dhibaato ku yihiin xubnaha hoggaanka xisbigu ay diyaar u yihiin inay iyagu xabsiga isgeeyaan, waxaannu yidhi, “Haddii dalku ictiraaf ku helayo oo dhibaato madaxweynaha haysataa kaga jabayso oo xisbiga KULMIYE jannadii ku gelayo oo dalku ku toosayo anigaa ballanqaadayee Muuse Biixi waaka halkan fadhiyee anigaa saaka jeelka gaynaya, aniguna is gaynaya.”

“Khilaafka maanta halkaa maraya ee dalka khalkhalka lagu gelinayo waxa leh xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, rag baa leh kornaylada waa la laynayaaye ee hebel iyo hebelow ka hadha. Xisbiga KULMIYE oo ah xisbal-xaakimka maanta talada hayaa haddii uu khalkhal galo dalkuna khalkhal ayuu gelayaa, waa in aan xisbiga khalkhal la gelin oo hoggaankayaga oo Guddoomiyuhu kow ka yahay oo ah labadyada lagu xoqonayo in aanaan horseedin oo kow ka noqon khilaafka oo aannu u ballanqaadaynaa taageerayaasha xisbiga iyo ummadda reer Somaliland. Haseyeeshee, qadaf nina ka qaadanmayno oo nalagu dulmaamulimaayo xisbiga, Madaxweynuhu haddii aanay arrintu ahayn in aannu dhibaato ku hayno aniga iyo Muuse Biixi isaga ayaa noo oday ahe qolada dhex ha noo noqdo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu uga digay wasiirrada abuuraya khilaafka in aanay ku guban dabkay shidayaan, “Ragga khilaafka KULMIYE abuuray waa kuwii kuraasidiisa ku fadhiyey, waa raggii wasiirrada ahaa, haddii ay Ina Biixi iyo Ina Kaahin la col yihiin inay xisbiga burburiyaan maaha, annagu nacasyo ayaanu sii yar ahaanaynaa annagoo xisbiga ilaalinayna. Wasiirradana waxaannu leenahay dhuxusha aad ku dheelaysaan ee aad farihiina ku ciyaarsiinaysaan ka daaya ku guban doontaana mooyee,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday Muj. Maxamed Kaahin Axmed.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *