muuse BiixiHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray liiska gudida fulinta ee Xisbiga, kaas oo si weyn si rasmi ah u shaaciyey liiska xubnaha

 

guddida fulinta xisbiga oo uu ka reebay madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee loollanku ka dhexeeyo.

Shirguddoonka shiwweynihii 3aad KULMIYE, ayaa liiska xubnaha guddida fulinta soo saaray Khamiistii toddobaadkan, kaasoo ay ku jireen madaxweyne Siilaanyo, 12  wasiir iyo xubno badan oo siyaasad ahaan loo tirinayo in ay la socdaan kooxda awooda baddan ee loolanku ka dhexeeyo kornaylada Kulmiye.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha KULMIYE oo sharci-darro ku tilmaamay liiska shirguddoonkii shirweynuhu faafiiyeen, wuxuuna  shaaciyey xalay liis cusub oo guddida fulinta ah, kaas oo ka  kooban 36 xubnood, halka liiska hore ka ahaa 44 xubnood aanay ku jirin, xubnaha wasiirada hore guddidaas looga buuxiyey marka laga reebo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal.
Sidoo kale waxa liiska cusub ee gudoomiyaha laga saaray magaca madaxweyne Siilaanyo oo ay horre guddidii shirguddoonku u raaciyeen, iyadoo arrintanina cirka ku sii shareerayso khilaafka xooggan ee u dhexeeya madaxtooyada iyo hoggaanka KULMIYE.

Warsaxaafadeedka Muuse Biixi ku shaaciyey xubnaha guddida fulinta xisbiga KULMIYE oo uu safka hore ka muuqdo Wasiirkii Ganacsiga ee madaxweynuhu xilka ka qaaday, waxa isagoo faahfaahsan uu u qornaa sidan; “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 24aad iyo Qodobka 32aad ee Dastuurka xisbiga, wuxuu magacaabay Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo kala ah:-

1.         Dr. Xuseen Maxamed Xoog

2.         Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

3.         Eng. Cabdiqaadir Iiman

4.         Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)

5.         Bulbul Cabdi Madoobe

6.         Axmed Cabdi Xuseen

7.         Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

8.         Carab Nuur Xandule

9.         Fu’aad Aadan Cadde

10.       Garayaqaan Maxamed Jaamac

11.       Maxamuud Ismaaciil Xasan (Bade)

12.       Jaamac Maxamuud Cigaal

13.       Shariif Abokor Dhuux-yare

14.       Cabdinajax Siyaad Cabdi

15.       Maxamed Cabdi Iskeerse

16.       Canab Cumar Ileeye

17.       Maxamed Faarax Xirsi

18.       Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye

19.       Baashe Yuusuf Axmed

20.       Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa

21.       Dr. Axmed Cumar Maax

22.       Ilhaan Maxamed Jaamac

23.       Ibraahin Aadan Qaalib

24.       Axmed Xuseen Oomane

25.       Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)

26.       Mahdi Xuseen Cadarre

27.       Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi

28.       Prof. Cabdi Cali Jaamac

29.       Sahal Cali Cartan

30.       Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)

31.       Cali Siciid Raygal

32.       Xildh. Cali Maxamed (Cali-barre)

33.       Axmed Aw Cabdi Shaacir

34.       Dalays Shire Faarax

35.       Aniisa Nuur Cigaal

36.       Sahra Maxamed Xuseen (Basbaaso),” ayuu Muuse Biixi ku yidhi warsaxaafadeedkiisa uu ku shaaciyey xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *