ChaumieredjiboutiDjibouti(Araweelo News Network)Saddex qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaday Huteel lagu caweeyo oo  ku yaal magaalada Chaumiere ee dalka Djibouti, waxaana dhaawacyo kasoo gaadheen 14 qof oo

 

u kala dhashay dalalka France, Germany iyo Spain  sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Xasan Cumar Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaa oo xalay caweyskii ka dhacay Djibouti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Xasan Cumar waxa uu sheegay in qaraxaa oo ahaa mid hore uga dhicin Djibouti la ogaaday in ay fuliyeen laba qof oo mid haweenay tahay, kuwaas oo uu sheegay in haweenaydu gudaha Huteelka isku qarxisay, isla markaana uu jiray Nin isku qarxiyay debeda, wuxuuna xusay in aanay sheegi Karin in dadka qaraxa fuliyay yihiin Somaali iyo in kale oo aanay jirin cid sheegatay weli qaraxaa.

Mr. Xasan Cumar, waxa uu sheegay in dadka ajaanibka ah ee u dhashay Faransiiska oo 7 ah, 4 Garmeny u dhashay oo mid haweenay tahay, 3 Spanish ah ay dhamaantood xaaladoodu fiicantahay, marka laga reebo haweenayda u dhalatay Germany oo xaaladeedu xuntahay.
Hase yeeshee Dowladda Holland ayaa sheegtay in 6 askari oo katirsan ciidankooda qaybta ka ah ladagaalanka budhcad badeedda ay ku dhaawacmeen qaraxaa, balse dawlada Djibouti ma sheegin askarta u dhalatay Holland in dhaawacyo kasoo gaadheen qaraxaa.

Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismail Omar Gelle ayaa amar ku bixiyay in heegan ay galaan ciidamada iyo hay’addaha amaanku, waxaana qaraxaa canbaareeyay Ururka Midawga Yurub oo dalalka Yurub ee dadkoodu ku dhaawacmeen qaarkood.

Dhinaca kale Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale u dhashay dalalka shihseeye ee ku sugan Djibouti ayaa heegan la geliyay, iyadoo qaraxaasi cabsi iyo wer wer ku abuuray xukuumadda Djibouti iyo ciidamada shihseeye ee ku sugan dalkeeda.

Djibouti waa dal yar oo ay saldhig Milateri ku leeyihiin Ciidamada Maraykanku hogaamiyo ee la dagaalanka budhacadbadeeda iyo argagixisada, kuwaas oo hawlgalo ka sameeyay meelo ka baxsan Djibouti oo dhinaca Badda iyo Beriga ah, waxayna xukuumadda Djibouti qayb ka tahay wadamada ciidmada u diray Somalia si ay ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab, wuxuuna qaraxani noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca dalka Djibouti inta la xusuusanyahay tan iyo markii ay soo baxeen kooxaha Al qaida iyo urarada xidhiidhka la leh oo inta badan isticmaala qaraxyada sidan oo kale ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *