http://www.haatuf.net/2008images/muusebiixi.JPGHargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Kumilye Muj.  Muuse Biixi Cabdi  ayaa sheegay in ay xisbi ahaan ncanbaaraynayaan falkii lagu weeraray shalay

 

Gudoomiye xigeenka xisbigaa Muj. Maxamed Kaahin, wuxuuna sheegay in Ninka qoriga ku qabtay Muj. Maxamed Kaahin uu yahay kii 1983 Ninkii Marxuum Cabdullaahi Askar ku qabtay qoriga. Sidaa awgeed waxay Kulmiye sheegeen in  falka lagula kacay Mujaahidkaa oo ah astaan qaran  aanay jeedinayn canbaarayn keliya ee ay gacan bir ah kaga hortegayaan.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Kulmiye maanta kaas oo u qornaa sidan:-

“Shalay (09/11/2013) waxa Huteel ku yaala magaalda Hargeysa ugu soo galay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed isagoo ka shaahaynaya saddex nin oo walaalo ah kuna qabtay qori. Maxamed kaahin waa astaan qaran ee maaha qof caadiya. Xisbiga KULMIYE ma cambaraynayo oo keliya falkaa ee wuxuu kaga hortagayaa gacan bir ah.

Maxamed Kaahin oo ka mid ah saddexdii mujaahid ee ugu hortalaabay 1982kii ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo ahaa madaxii sahanka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.

Waa taliyihii ciidankii buuraha barga (Miriye) galay 1984kii, markii Dhagawayne sheekh galay, Cabdilllaahi Askarna buuraha galbeedka.
Waa taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Axmed Mire, kuna dhaawacmay ee ay madaxa kaga dhacday ilaa haatana ka muuqato.
Maxamed Kaahin 30kaa sanno danguud mooyee tu gaara ma qabsan, waxa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka, waayo maba haleelo tiisa gaarka ah.

Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan iyo maalqabeenada, jaamacadaha iyo ardayda ka baxday ee dunida ku faaftay iyo horumarka la gaadhay waa tacabkii Maxamed Kaahin iyo kuwii la midka ahaa ee SNM.Bal aan iswaydiino ninka qoriga ku qabtayna waa kuma.

Waxa xannuun badan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii.
Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta qoriga ku qabanayey ay ahaayeen kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka Hargeysa uga heesayay ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu waynayd.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ummada u caddaynayaa inuu dagaal aan naxariis lahayn la gali doono kuwa neceb guusha qaranka, isla markaana caadaystay inay marwalba cadowga u adeegaan.Alla mahadle” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xisbiga Kulmiye.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *