Hargeysa(ANN) Mujaahid Cali Yuusuf(Cali Gurey) oo ahaa Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa ku tilmaamay talaabada Xisbiga Kulmiye ka qaaday gudoomiye xigeenkii koowaad ee xisbigaa  C/raxmaan Cabdiqaadir Faarax  ee debeda looga saaray shirkii golaha dhexe mid si cad u

 

tilmaamaysa in xabaal lagu riday wixii Kulmiye ku faani jiray.

Mujaahid Cali Guray oo maanta saxaafada shir jaraa’id u qabtay waxa uu si gaar ah eedaymo tiro baddan  ugu jeediyay Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay fulay aan abaal galin ka loo gallona  aan gudin, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yahay dhaawac Siilaanyo dartii gaadhi shil ula galay
Col Cali Guray, waxa uu yidhi,  “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuqraadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna lama yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman maayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.”

Mujaahid Cali Guray oo falan-qeynaya khudbad Madaxwaynuhu shalay ka jeediyay shirkii Kulmiye waxa uu yidhi,  “Axmed Siilaanyo isaga oo xadhiga Xamarji ku tiiq-tiiqsanaya ayuu yidhi,  “masuuliyiin ayaanu u xidh-xidhnay musuqmaasuq, ragii musuqmaasuqa sameeyayna suuqa ayay joogaan oo Madaxtooyadda ayay af-faafka ka gashay, cadaalad daradu jirtay wakhtigii Daahir Rayaale maanta way laban-laabantay, Musuq-maasuquna  haddii uu jiray maanta wuu sadex laabmay.”

Cali Guray waxa kale oo uu tilmaamay “Maanta waxaan qirayaa taageero kasta oo aan Axmed Siilaanyo taageeray aan khaldanaa, waxaan cafis waydiisanayaa raggii Mujaahidiinta ahaa ee aanu saaxibada halganka ahayn ee og intaan Axmed Siilaanyo taray oo Muuse Biixi kow ka yahay ee Dhago-weyne ku jiro,  maxamed Kaahi ku jiro, Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiro ee Axmed Mire-aha Somaliland ciilka uga haajiray uu ku jiro, waxaanan qirayaa in Axmed Siilaanyo aanu noqonin kii anigu aan moodayey ee uu yahay kii ay doonayeen inay umadda ka qabtaan, maanta waxa iga go’an inaan  hormuud ka noqdo dadka Axmed Siilaanyo Somaliland ka qabanaya.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Axmed Siilaanyo maaha nin abaal galla ee waa nin abaal la taro, abaalka loo  gallana nin guda maaha, Boqor-buur-madow waxa uu Axmed Siilaanyo la taliyey markuu London joogay,  isagoo yidhi sidan aad wax u maamulay maaha sax, waana sababta uu u xidhanyahay, imikana waxa xidhay Usaama iyo Xirsi mana soo derkaro  Siilaanyo.”

Muj. Cali Guray, wuxuu isagoo laabta garacaaya yidhi,  “Anigu waxaan ahay mujaahid ahlu Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fuleygan London u baxsaday ee maydka ah ”ayuu yidhi

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *