Boosaaso(ANN)Diyaaraddaha dagaalka ee ay leedahay shirkadda saaracen ee macdanta ka gurata deegaanka Boosaaso ayaa maanta weeraro dhinaca cirka ah oo duqayn ah ku qaaday fadhiisimo ay Malayshiyada uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Attam oo ah

 

xidhiidhiyaha Al-qaidada Bariga Afrika iyo Gasiiradda Carabta ku leeyihiin Buuraleyda Silsilada Golis ee duleedka Laasqoray.
Weerarka ayaa dhacay kadib markii sida ay sheegayaan wararku Malayshiyada Attam jidgooyo u galeen gaadiid ay saarnaayeen cutubyo ka tirsan ciidanka Maamulka Puntland ee la dagaalanka argagixisada(PIS) , kuwaas oo qorshaynayay inay weeararaan fadhiisimo ku yaal Buuralayda Gal-gala ee duleedka Boosaso ee dhinaca Xeebta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku socday saacado, isla markaana uu khasaare ka dhashay dagaalkaa, balse markii danbe ay maqlayeen dhawaaqa gariirka diyaaraddaha dagaalka oo duqaynaya dhinaca Buuralayda Duleedka Ceelaayo ee Xeebta oo kala qaybisa xadka dhinaca xeebta ay Somaliland iyo puntland wadaagaan, taas oo magaalada Boosaaso u jirta wax ka yar 40 km.
Dhinaca kale dagaalka oo socday saacado baddan ayaa gaadhay galabta, waxaana jira warar sheegaya in Cusbitaalka Magaalada Boosaaso la geeyay askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka Puntland ee ka dagaalamay halkaa, balse maamulka ayaan ka hadlin khasaaraha dagaalka, balse Afhayeen magaciisa ku sheegay Abu Mascab oo u hadlay dhinaca al-shabaab, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Puntland oo ay taageerayaan diyaarado Helicopter ah oo ay leedahay shirkadda SARACEN.

. “Weerarka waxaa soo qaaday maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland isku magacaabay, waxayna wateen 18 gaadhi, sidoo kale waxaa cirka ka taageerayey shirkad lagu magacaabo SARACEN, waxeyna ku wajahnaayeen deegaan dhaca woqooyi galbeed degamada Boosaaso, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Ceelaanyo” ayuu yidhi Abuu Muscab, wuxuuna ku dooday inay khasaare gaadhsiiyeen ciidanka Puntland oo ay ku khasbeen inay ku laabtaan Boosaaso, isla markaana wuxuu sheegay in dhinaca Malayshiyada Attam khasaare kasoo gaadhay oo hal mujaahid ku geeriyooday dagaalka, mid kalena dhaawac soo gaadhay.

Axaddii lasoo dhaafay ayay ahayd Markii ay malayshiyo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee Gal-gala gudaha u galeen magaalada Boosaaso, kuwaas oo weeraro khasaare geystay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *