Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa kulan Saacado qaatay oo albaabada u xidhnaayeen la yeeshay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiye Xigeenka Maxamed Kaahin. kadib markii ay maalmahan soo bexeen

 

dhawaaqyo xaalada cirka ku shareeray oo ka dhashay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo shaaciyay inay loolan adag u gelayaan hogaaminta Xisbiga marka la gaadho shirweynaha la filayo in uu qabsoomo bisha March ee fooda inagu soo haysa.

 

Kulanka Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye xigeenka Kulmiye, ayaan si cad loo ogayn waxa uu ku dhamaaday iyo waxyabaaha salka u ahaa, balse xoggo la xidhiidha kulankaa ayaa u sheeegay shebekadda wararka ee Araweelonews in kulankaasi daba socday kulan laba maalmood ka hor ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta xisbiga, kaas oo ay kaga cadhoodeen musharaxnimada Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale oo si badheedh ah u bilaabay kaanbayn uu sheegay inuu yahay musharax u taagan jagada gudoomiyaha xisbiga marka la gaadho shirweynaha xisbiga.

Hase yeeshee hogaanka Kulmiye Madaxweynaha ugu tageen inay arrintaasi tahay khalad, maadaama aanu Wasiir Samaale iska casilin xilka uu qaranka u hayo ka hor inta aanu shaacin musharaxnimadiisa. sidaa awgeed uu tallaabo ka qaado, balse arrintaa waxa ganafka ku dhiftay Madaxweyne Siilaanyo, taas oo keentay in kulankaa lagu kala kaco, iyadoo aan laysla meel dhigin mushkilada taagnayd.

Sidaa awgeed waxay xoggaha la xidhiidha kulanka Caawa dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo labada Kornayl ee hogaamiya xisbiga Kulmiye sheegayaan in lagaga wada hadlay waxyaabo badan oo la xidhidha arrimahaa iyo shirweynihii xisbiga, iyadoo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin si adag uga hadleen kooxda isu bahaysatay ee uu hogaamiyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale oo xilal ka haya xukuumadda, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo habeen hore qaarkood kulan la yeeshay, isla markaana u sheegay in aan loo baahnayn in masuuliyiinta xilalka xukuumadda hayaa xilka ay hayaan uga faa’idaystaan danahooda siyaasadeed oo ay iska ilaaliyaan wixii meel ka dhac iyo dhegxumo usoo jiidaya masuuliyadooda iyo ta xiisbigaba, ama khilaaf keenaya.

sida ay sheegayaan tibaaxa la xidhiidha kulnkaa waxa ka ergeeyay wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo doonayay in laysku soo dhowaado, isla markaana aanay labada dhinac ee kooxda wadadaada uu hogaaminayo wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale ee xilalka qaranka haya oo ku dhawaaqay musharaxnimadooda iyo hogaanka xisbigu abuurin loolan abuura khilaaf siyaasadeed oo saamayn ku yeesha mustaqbalka xisbiga iyo shirka la doonayo in la qabto.

Sidoo kale waxay xoggaha iyo tibaaxaha kasoo baxay kulanka caawa sheegayaan in hogaanka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin eedayn la xidhiidha arrimahaa dusha u saareen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo ay la xidhiidhiyeen inuu si toos ah ula socdo Wasiirka Maaliyadda iyo kooxdiisa, iyadoo kooxda kalena sidan oo kale Wasiir Xirsi eedo iyo dhaleecayn ay kula xidhiidhiyeen dhinaca kale dusha u saareen, isla markaana dacwad ay ku eedaynayaan u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa soo baxday in Labada Wasiir ee madaxtooyadda iyo Arrimaha debedu aanay ku jirin loolanka labada dhinac, isla markaana kulanka caawa dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,  Gudoomiye Xigeenka Maxamed Kaahin iyo Gudoomiye C/raxmaan Talyanle oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda, isla markaana hogaanka Kulmiye  ku weheliyay kulankaa oo sida wararka la xidhiidhaa sheegayaan ahaa mid si weyn laysugu badheedhay, isla markaana garnaqsi iyo hoga tusaalayn lagu qaadaa dhigay ayaan natiijadiisa si dhab ah loo ogayn, balse waxa la xaqiijiyay inuu ku dhamaaday isfaham iyo deganaasho.

Dhinaca kale Dhawaaqa Musharaxnimada gudoomiyaha Kulmiye ee Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale, waxa kusoo biiray Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo sheegay inuu u taaganyahay gudoomiye xigeenka labaad ee xisbiga, iyadoo C/kariim Xinif oo ah Agaasimaha Maamulka Komishanka Somaliland ee xakamaynta HIV/AIDS, isaguna sheegatay inuu ka mid yahay musharaxiinta, iyadoo kooxda loolanka daaha dabadiisa ka hagaysa laga tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi Gelinta Abiib Diiriye Nuur, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale, Gudoomiye xigeenka Labaad ee Kulmiye Xidhibaan Waabeeyo iyo Xildhibaan Cali Mareexaan, kuwaas oo iyaguna dhinacooda caawa kulan doceed  la xidhiidha qorshohooda siyaasadeed ku yeeshay meel kale, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan xildhibaano u badan kuwo taageersan hogaanka Kulmiye oo kulan doceedyo ay arrimahaa kaga arrinsanayaan iyo fadhiyo jilbaha lays dhigay ilaa shalay lahaa, isla markaana qorshaynayay inuu Madaxweyne Siilaanyo soo dhexgalo arrinta oo go’aan cad kasoo saaro.ka hor inta aany xaaladu faraha ka bixin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *