-
Published On: Wed, Dec 15th, 2010

Mudanayaasha Watay Mooshinkii Kala Qaybiyay Gollaha Oo Jawaab Saharci Oo Garnaqsi Ah Ka Bixiyay Qaabkii Loo Xidhay Fadhiga Iyo Sababaha Ay Ugu Adkaysanayaan Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Mudaneyaashii watay Mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda, ayaa markii u horaysay jawaab rasmi ah ka bixiyay tallaabadii uu Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Aqalka wakiilada, isla markaana   ah ku simaha Guddoomiyaha  Md. C/Casiis Maxamed Samaalle

uu ku fasaxay Golaha, isla markaana ku laalay mooshinka ay wateen ee wax ka bedelka xeer hoosaadka gollaha Isniintii todobaadkan.
Kooxda Mudanayaasha ah ayaa sidoo kale tafaasiil ka bixiyay  sababta ay u soo jeediyeen in is bedel lagu sameeyo Xeer hoosaadka gollaha, iyadoo xidhista iyo furista gollaha ee maalintii Isniintii ku tilmaamay mid baalmarsan Distoorka iyo xeer hoosaadka Gollaha,  Sidaana waxay  ku sheegeen war saxaafadeed ay maanta soo saareen oo ay ku sharaxayaan arrimahaa iyo qaabka uu tilmaamayo  sharcigu, wuxuuna qoraalkooda oo dhamaystirani u qornaa  sidan:- (1) Maxaa keenay wax ka bedelka xeer-hoosaadka? Sideedaba xeer-hoosaadka waxa loogu talagalay in mar kasta wax laga beddelo waxna lagu kordhiyo: (a) haddii ay muuqato inay jiraan qodobbo ka mid ah xeer-hoosaadka oo aan waafaqsanayn distoorka, ama mabaadiida guud ee sharciga iyo dimuqraaddiyadd,ama qaar kale ka hor imanaya.
(b) Marka ay muuqato baahida loo qabo qodobbo cusub, oo ka dhashay waayo-aragnimada is biirsanaysa ee Golaha (c) Marka loo baahdo in wax laga beddelo nidaammada goluhu ku shaqeeyo iyo qaab-dhismeedka golaha iyo (d) Marka wax laga beddelo distoorka iyo mar kasta oo kale oo ay muuqato baahida loo qabo wax ka beddelka xeer-hoosaadka. Wax-kabeddelka xeer-hoosaadku ma laha muddo go’an. Xilli kasta oo guluhu furan yahay xeer-hoosaadka waxbaa laga beddeli karaa waxna waa lagu kordhin karaa. Xeer-hoosaadka Guluhu ma ah wax saameeya xukuumadda, ama garsoorka ama dadweynaha. Waa mid u gaar ah golaha.
Sababaha Keenay in Waqtigan Xaadirka ah in wax laga bedelo. 1. Xeer-hoosaadka waxa la sameeyey shan sano ka hor markii golaha la soo doortay. Waxa lagu sameeyey si degdeg iyo qarboqarbo ah. Muddadaas dheer waxna lagama beddelin waxna laguma darin. 2. Waxa sidaa darted xeer-hoosaadka ka soo baxay gol daloo looyin, mad-madow iyo kala-socod la’aan, maan-galeed( logical inconsistancies) fara badan oo sharci ahaan aan suurtagal ka dhigayn in si habsami ah loogu shaqayn karo. 3. Waxa caddaatay, markii deraasaad iyo lafa-gur cilmi ah lagu sameeyey, iyada oo lala kaashanayo khubaro aqoon gaar ah u leh in tayada xeer-hoosaadku, nuxur ahaan,mug ahaan iyo qaab ahaanba ay aad liidato, una baahan tahayin wax laga beddelo; 4. Waxa si cad u muuqatay inaan xeer-hoosaadku u dhisnayn,  ama u qaabaysnayn si golaha (iyo xildhibaannadaba) u suura gelinaysa,  ama u fududaynaysa inay gudtaan xilalkii iyo hawlihii loo igmaday. 5. Suuragal uma noqon Gollaha inuu wax ka beddelo xeer-hoosaadkiisaa imminka ka hor iyada oo sabab u ahayd faragelintii joogtada ahayd ee xukuumaddi hore ku heysey Gollaha, taas oo geed dheer iyo geed dhowba u fuushay inay beddesho shirguddoonka, Golaha intiisa badnina kaga soo hor-jeedeen.
6. Ka dib markii ay xildhibaannadu qiimeeyey xilgudashada Golaha waxa soo baxday inay baaqdeen waajibaad iyo waxqabad fara-badan oo golaha laga sugayey, taas oo loo aaneeyey (a) xeer-hoosaadka Golaha (b) shirguddoonka Golaha oo aan xeer-hoosaadka golaha sidii loo baahnaa u dhaqangelin 7. Ka dib markii isbeddelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, waxa lama-huraan noqodtay inuu goluhu isu-diyaariyo sidii uu ula jaan-qaadi lahaa xukuumadda cusuub iyo siyaasadda isbeddel-doonka ah, taas oo daruuri ka dhigtay in wax laga beddelo xeer-hoosaadka. Marka la tix-geliyo aarrimaah oo dhammi waxa lagama-maarmaan noqotay in la bilaabo wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha. (2) Yaa awood u leh inuu wax-ka-beddelo xeer-hoosaadka Golaha? Ansixinta, wax-kabeddelka, kaabista xeer-hoosaadka iyo laalista xeer-hoosaadka ama qaybo ka mid intaba waxa awood u leh Fadhiga Golaha. Fadhiga Goluhu sida ku cad distoorka qod.45aad.faq. wuxu furmi karaa oo keliya “ marka ay joogaan kala-badh in ka badni, marka laga reebo kuraasta bannaanaanshahooda la baahiyey” . Go’aanka wax-ka- bedelka xeer-hoosaadku wuxu ku ansaxayaa “hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlibiyad fudud) , marka laga reebo xaaladaha distoorku ama xeer-hoosaadka goluhu u jideeyey aqlibiyad kale” (qod. 45aad.faq.3aad). Ma jiro qodob gaar ah oo xeer-hoosaadka ka mid oo xeer-hoosaadka oo wax-ka-bedelkiisa xeer-hoosaadku u jideeyey aqlibiyad kale mana jiro qodob ka mid ah xeer-hosaadka oo aan fadhiga Goluhu wax ka beddeli karin. Goluhu Soo jeedinta waxa-ka-beddelka xeer-hoosaadka sidee ayey fadhiga Golaha ku iman kartaa? Laba waddo ama siyood ayey ku iman kartaa. (1) tala-bixin ku saabsan wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka oo ka timaadda Guddi joogtada ah sida ku cad qod.qod.22ad.faq.3aad. (2) soo-jeedin (motion) ka timaddaa xildhibaannada si waafaqsan qod.37aad far.1aad,2aad,3,aad. Labada jeerba (talo-bixinta guddiga iyo soo-jeedinta xildhabaannada) arrintu waxay hor imanaysaa fadhiga Golaha Go’aana ka gaadhaya. Xeer-hoosaadka meelna kagama taallo, sharci ahaanna maan-gallna ma ah in soo-jeedinta(motion) xildhibaannada loo gudbiyo guddi-hoosaadyada. Waayo guddi-hoosaadyadu ma yeelan karaan awood iyo go’aan-qaadasho aanu lahayn fadhiga Goluhu. Sababta oo ah: (a) Awoodda ugu sarraysa Golaha waxa iska leh Fadhiga Golaha (b) Guddi-hoosaayada waxa lagu sameeyey awoodda fadhiga Gollaha. Fadhiga Golluhu wuu dhegeysan karaa talo bixinta guddiyada, sharciyaqaannada,  ama xeeldheerayaasha kale ee khibradda u leh arrimaha kala duwan.
Haseyeeshee midna kuma ah waajib inuu tixgeliyo ama qaato talooyinkooda. (3) Maxaa keenay muranka iyo murugga.) Muranka iyo buuqa waxa dhaliyey jaranjarada sharci –darrada ah ee ay martay soo-jeedintii ay soo gudbiyeen mudanayaal tiradoodu ka badan tahay 29 oo ku saabsan in wax-ka-beddel fudud iyo kaabis lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha iyaga oo raacaya xeer-hoosaadka, qod.qod.37aad.faq.1aad,2aad, iyo faq.3aad Taasna waxa ka masuul ah shir-guddoonka Golaha oo u tarjumey inuu yahay motion lagu beddelaya shir-guddoonka., Jaranjarada sharci-darrad ah ee shir-guddoonku la maray soo-jeedintii sharciga ahayd ee mudanayaasha waxay ka bilaabantay (1) Shir-guddoonka oo si badheedh ah u diidey inuu qabto soo-jeedintii, taas oo ahay ku-tagri-fal awoodeed iyo ku tumasho sharciga iyo xeerhoosaadka (qod.37.faq4aad). (2) Gudoomiye ku xigeenka 2aad (Mr. Baashe) oo si sharci-darro ah u xidhay fadhigii Golaha isaga oo ka tallaabsaday qod.45aad.ee distorka. Faq.4aad.qodod.13aad. ee xeer-hoosaadka,qod.14aad ee xeer hoosaadka.faq.1.aad,2aad,10aad, iyo guud ahaanba hab-dhaqankii iyo caadooyinkii Gollaha. (3) Lad-qabo iyo suubaasalax ka dib, wuxu yeedhiyey xildhibaannadii fadhiga soo hordhigay soo-jeedinta, haseyeeshee wuxu ku dhawaaqay inuu u gudbin doono Guddiga joogtada ah, golihiina wuu xidhay isaga oo aan marin habkii xeer-hoosaadku jideeyey in Golaha loo xidho, xildhibaannadana waxba weydiin,sida xeer-hoosaadku dhigayo. (4) Waa sharci-darro in motion fadhiga Gollaha la hor keenay loo gudbiyo guddi-hoosaad. Waayo: (a) ma jirto awood ka sarraysa fadhiga Gollaha (b) Xeer-hoosaadka meelna kagama xusna in motionka golaha la hor keenay loo gudbiyo meel kale. (c) jaranjarada uu marayo motionka ay mudanayaashu hor keenaan fadhiga , Golaha waxa tilmaamaya xeer-hoosaadka.qod.37aad. (d) Shir-guddoonku ma leh tagri-fal awoodeed inuu sida uu doono ka yeelo motionka ay mudanayaashu hor keeneen Golaha , sida ay hadda yeeleen. (5) Shirguddoonku isaga oo ka tallaabsanaya distoorka qod.45aad faq.4aad iyo xeer-hoosaadka qod.13aa.faq.5aad, wuxu dib u dhigay fadhigii golaha. Fadhiga golaha waxa dib u dhiga kara fadhiga golaha laftiisa si aqlibiyad fudu ah. (6) Shir-guddoonku wuxu baal maray ballan-qaadkii uu fadhiga Gollaha siiyey in uu motionka u gudbinayo guddiga joogtada ah, isaga oo kala baxsanaya dariiqa sharciga ah oo dhan. (7) Si khilaafsan xeer-hoosaadka shirguddoonku wuxu motionkii u gudbiyey ‘la-taliye sharci’ oo aan Gollohu aqoonsanayn, ahayna la-taliyihii sharciga ee Gollaha. (4) Talo bixinta “lataliyaha sharciga” Su’aasha Labaad waxay tahay talo bixinta gar yaqaanku ma tahay mid sharciga waafaqsan? Marka horeba waxa jaban talo bixinta lafteeda,marka labaadna talo bixintu waxay bal marsantahay xeer hoosadka gollaha. sababtuna waxay tahay Sida caadada ahayd goluhu wuxu lahaa la taliye aan ahayn garyaqaanka talo bixinta soo qoray waxa lataliyaha goluhu ahaa Axmed Cali kaahin.Goluhuna waxba kama ogga la taliyahan cusub.
Talo bixintani ma aha mid uu golluhu ku khasban yahay qaadashadisa waxaana khaldan sida uu u maray taladan ma aha in u golaha ka hor jeediyo, sababta oo ah ma aha mudane,mana aha wasiir loo yeedhay, go’aanka kama danbaysta ahna waxaa leh gola weynaha.sidaa darted ayaanay taladani u ahayn mid awood sharciyed ku fadhida. Markaad u gonda degto talo bixinta lafteeda waxaa ka muuqata in laysku khalday laba arimood oo aan is gelayn taas oo ah in la ridayo ama kuraasta laga qaadayo shirgudoonka taas oo an cid mooshinka kentay iyo cid ku heshiisay toni aanay jirin waana tan ugu badan eey talo bixintu ka hadashay.mooshinka mudaanayashu kenena muu ahayn xilka qadista shirgudoonka Waxay kale oo talobixintu khilaafsantahay qod.38aad,22 ee xer hosaadka golaha kaas o tilmaamaya in tiro mudanayaal ahi soo jeedin karaan wax kabedelka xeer hoosaadka ,waxa kale oo xer hosaadku awood u siiyey gudiga joogtada ah,waana labada dariq e keliya ee wax lagaga bedeli karo xeer hoosadka mudada jiritaanka golaha.hadaba talo bixintu waxay khilaaftay labadas qodob .waxaana ka muuqda in ay is burinayso talo bixintu.
Haddaba  Mar haddii aanaan aqoonsanayn sharciyadda talo-bixinta ee“la-taliyahha sharciga”, Mar haddii aanan aqoonsanayn “la taliyaha” talada bixinaya, Mar haddii talo-bixinta “lataliyuhu” aanay fadhiga golaha duruuri ku ahayn inuu tix geliyo, Ma mudna in lagu sii tiigaalo. Waxase xusid mudan in talobixinta uu qoray “la taliyaha sharcigu” aanay sina ugu ekkayn nuxur ahaan, tayo ahaan iyo farsamo ahaan midna talo-bixin uu qoray garyaqaan. Sida ay sharci ahaan suuq-madow u tahay ayey iyana talo-madow u tahay. (5) Furitaanka iyo xidhitaanka fadhigii Golaha Xidhitaanka Golahu waxa uu khilaafsana yahay qodobdan hoos lku xusan: Distoorka, 38aad faqrada3aad, 45aad faq.2aad iyo faq.3aad. Xeer hoosaadka: – qod:1aad, faq.4aad. • qod.13aad faqrada1aad iyo 2aad. qod.14aad,faqrada 2aad oo tilmaamaysa in gudomiyaha golluhu u taagan yahay fulinta iyo ku dhaqanka xeer hoosaadka.
Baahida loo qabo wax ka beddelka xeer-hoosaadka, iyo xakamaynta Gudoomiyaha 1aad (Mr Samaale) iyo xildhibaannadaba, waxa ka marag kacay furitaankii shirguddoonka fadhi aan kooram lahayn. Sida ku cad distoorka qod.45aad faqrada 2aad (fadhiga gollaha wakiiladu wuxuu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh iyo in ka badan, marka laga reebo kuraasta banaanshohoda la baahiyey.: haddii aanu buuxsamin kooramku oo ah tirada xubnaha Golha kala badhkood iyo Hal,  ma jiri karo sharci ahaan shir Furmay.
Haddii aanu jirin shir furmay  ma jiro shir xidhmay, hadii aanu shirku sharci ku furmina Go’aanada ka so baxay waa XAARAAN. GUNAANAD: Sidaas Darted waxaanu ummada u cadaynyannaa: 1. Shirgudoonku uu si badheedh ah uu u baal Maray Distoorkii iyo Xeer Hoosaadkii 2. In Furitaankii iyo Xidhitaankii Golahu(13/12/10) aanu waafaqsanayn Xeer- hoosaadka oo uu sharci Darro ahaa. 3. In soo jeedintii(Motion) Mudanayaashu ay waafaqasan tahay Distuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha. Ugu Dambayntii waxaan umaada u sheegaynaa in aanu la socod siin doono talaabooyinka ku haboon ee aanu ka qaadi doono falal kaas sharci darada ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen kooxda mudanayaasha ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>