-
Published On: Tue, Dec 14th, 2010

Dhulka Kaydka Dekedda Ee Maamulkii Rayaale Xayiray Oo Dhismihiisu Qarsoodi U Socdo Iyo Masuuliyiinta Gobolka Saaxil Oo Ka Dhega Adaygay Amarada Lagu Xayirayo Dhismayaashaa

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa (ANN) Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa ku guuldaraystay  Inay Joojiyaan Dhulka Kaydka Dekedda ee duleedka Haamaha Shidaalka Ee Berbera oo ay xayiraad saartay xukuumaddii maamulkii Madaxweyne Rayaale. Kadib markii dhulkaa weerar lagu qaaday sida ka muuqata qoraalo kasoo

 baxay xafiiska Madaxtooyada xiligii Madaxweyne Rayaale.
 
Dhulka kaydka ah ee Dekedda Berbera oo la siiyay badhtamihii sannadkan 2010 dad gaara, waxa ka dhashay muran iyo khilaaf dhinaca sharciga ah, iyadoo ay bixinta dhulkaa maamulkii Dekedda ee xiligaasi uga dacwoodeen maamulkii sare ee Madaxweyne Rayaale, isla markaana Hay’adaha sharcigu qoraalo lagu xayirayo kasoo saareen, balse dhulkaa ayaa gebi ahaanba laga xaadhay kumanaan dhir ah oo u badan Geedka loo yaqaan Kulanka, waxaana halkaa ka socda dhisme uu wado ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri oo shaqaale yamaniin u badani uga samaynayaan  goobo Xeryo Xoolaha lagu xereeyo. Iyadoo si qarsoodi ah habeenkii looga wado halkaa dhsimayaashaa, taas oo waxyeelo dhinaca amniga iyo deegaankaba u keeni karta Dekedda, isla markaana meesha ka saaray keydkii dhulka ee dekeddu mustaqbalka ku fidi lahayd.
Dhulkaa oo ka mid ah dhulka kaydka Dekedda Berbera, waxa hore u mamnuucay in la bixiyo, ama la dego oo dhismayaal laga bineeyo xukuumadihii rayidka ahaa ee Jamhuuriyadii Somalia iyo xukuumadii milateriga ahayd, iyadoo laga soo saaray waqtigaa sharci.

 

 

 

 

Sidoo kale xukuumaddihii Somaliland soo maray ayaan wax fara gelin ah ku samayn, balse xiligii xukuumaddii madaxweyne Rayaale  ayaa dhulkaa  la siiyay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri oo sheegay inuu ka dhisayo Maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo. Sidoo kale masuuliyiinta gobolka Saaxil ayaa iyaguna dad shicib ah ka siiyay halkaa dhul,  taas oo keentay in markii danbe la joojiyo, iyadoo ay Ha’yadaha garsoorku kasoo saareen qoraalo xayiraad ah, balse mudadii kala guurka ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynii hore Daahir Rayaale ayaa mar kale dhulkaa lagu qaaday boob, waxayna  maamulka gobolku ka bixiyeen halkaa dhul kale, iyagoo iska dhega tiraya qoraalada amarada ah ee kasoo baxay Ha’yadaha ku shaqada leh, isla markaana si hoose ugu fasaxay Ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri inuu wato qorshihiisa uu kaga samaynayo dhulkaa duleedka Haamaha shidaalka xeryaha, kaas oo si hoose habeenkii looga wado dhismayaal Hangaro ah oo uu ugu talo galay ganacsadaha  Carbeed xeryo xoolaha lagu xanaaneeyo.
   Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale oo ganacsadahaa carbeed siisay dhulkaa oo uu shaagay inuu ka samaynayo Maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo  ayaa mudo ka dib  soo  saartay qoraal digniin ah oo lagu joojinayo  dhulkaa oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Rayaale oo  ku taariikhaysan 8/7/2009, isla markaana lagu socodsiiyay  kala ah, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil,  Guddoomiyaha deegaanka Berbera, (Maayarka Berbera), Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Saaxilka, Maareeyaha Dekedda Berbera, iyadoo ogaysiin la siiyay  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,  Guriyaynta iyo Gaadiidka ayaa u qornaa sidan;- “Ujeedo; Ilaalinta Dhulka kaydka Dekedda Berbera, Mudanayaal waxa jirta in dhulka Dekeddu ku fidi lahayd maalinba maalinta ka danbaysa lagu sii durkayo oo six un ilimada looga degan yahay , duleedadana ay hada ka bilaabmeen binooyin cusub. Dekedda Berbera sida Dekeddaha kale ee aduunka waxay markasta u baahan tahay dhul kayd nefis ah oo ay hadba kusii fido in lasii sugo, loona sii qorsheeyo.

Sidaa darteed, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa si aad ula socotaan, qorshahana aad ugu darsataan xuduudaha Dekedda Berbera loo aqoonsaday;- wadada kasoo baxda Raasiga Tamara ee soo dhexmarta a). Daarta Cashuuraha Beriga (Old Customs House) iyo Wersheda Neck Fish.
b).Cajab iyo Dugsiga Xasan Cali Cawaale. C). Hotelka Shide iyo Sheekh Yuusuf Maamaa, ee ka baxda kantaroolkii hore ee Magaalada Berbera dabadeedna Hargeysa u baydha ilaa isgoyska looga leexdo Ariport Berbera, dhulka Woqooyi Galbeed ka xiga ee u dhexeeya , Airport, Raasiga Tamaara iyo wadadaa. Hadaba waxaan farayaa dhamaan masuuliyiinta qoraalkani ku socdo in dhulkaas sare ku xusan loo aqoonsaday xuduudaha Dekedda Berbera, in aan laga bixin Karin dhul deegaan, cidna la siin Karin, isla markaana joojisaan wixii dhisme ah ee hadda ka dhex socda duleedka iyo agagaarka dhulka loo aqoonsaday xuduudaha Dekedda  Berbera ayaa lagu yidhi, qoraalkaa oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.   

Marka laga yimaado qoraalka digniinta ah ee kasoo baxay Xafiiska Madaxweynii hore, waxa jiray qoraalo kale oo digniino ah oo ka hadlaya dhulkaa, kuwaas  oo  kasoo baxay Ha’yadaha sharciga iyo laamaha dawlada mudadii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay iyo ka horba. Sida ka muuqata   qoraalka sumadiisu tahay, MRGS/X-G/94/010, ee ku taariikhaysan 25/11/2010, kaas oo kasoo baxay Maxkamadda Rafcaanka G/Saaxil, isla markaana ka hadlaya xayiraada dhulkaa  ayaa lagu socodsiiyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta J.SL, Maxkamadda G/Saaxil Berbera, iyadoo ogaysiin la siiyay, Masuuliyiinta kala ah, Xeer Ilaaliyaha Gobolka Saaxil, Taliyaha Qaybta Booliiska G/Saaxil, Guddoomiyaha G/Saaxil, Guddomiyaha Gollaha Deegaanka G/Saaxil, Maareeyaha Dekedda Berbera, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.SL, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda J.SL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare J.SL.

Qoraalkaa oo ujeedadiisa lagu sheegay warbixin Dhulka Kaydka u ah Dekedda Berbera ee Shacab Aria, waxa lagu yidhi, “Mudane Wasiir, Iyadoo la tixraacayo qoraalka Maxkamadda G/Saaxil, MGS/BR/82/2010 ee 23/11/2010, kana hadlaysa fulin la’aan xayiraad dhulkaas lagu xayiray, tixraac warqada kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee XGS/BBR/210/225/010, ee 24/11/2010, kana hadlaysa in la dhaqan geliyo xayiraada la saaray Dhulkaa kaydka u ah Dekedda (Free Som), xeebta Galbeed ee Noobiyada Berbera.
Tixraac warqada kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud J.SL, eek u taariikhaysan 15/09/2010, kuna saabsanayd codsi cusboonaysiin xayiraad Dhulka kaydka u ah Dekedda Berbera, tixraac warqada kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Guddaha J.SL.ee ku taariikhaysan 05/05/2010, kuna saabsan dhulka kaydka u ah Dekedda Berbera, tixraac Digreetada kasoo baxday madaxweynihii hore eek u taariikhaysan 18/07/09, kuna saabsan ilaalinta dhulka kaydka u ah Dekedda (Free Zon), tixraac codsiga xeer Ilaalinta Gobolka Saaxil ee XXIG/52/010, ee bilaa taariikhda ah ee uu kaga  codsanayo maxkamadda gobolka Saaxil  in la xayiro dhulka shacab Aria (Free Zon);-

Tixraac  maareeyaha Dekedda Berbera eek u taariikhaysan 09/02/2010, kuna saabsanyd codsi xayiraad dhulka kaydka u ah Dekedda;-

Haddaba iyadoo la sheegayo in dhulkaa shacab Aria Berbera in si sharci daro ah loo boobayo, dhismayaal badana shaqsiyaal gaari ka bilaabeen, qoraalada tixraaca ku qoranina ka wada hadlayaan in la joojiyo, balse ay maxkamadda G/Saaxil nagu soo wargelisay in la fulin waayay xayiraadahaa sida ku cad qoraalkeeda kor ku xusan;-
Markaan ogaaday in dhulka shacab Aria ee magaalooyinka ay toos u xukunto Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta J.SL, kana bixin karto wixii dan guud iyo dhisme dawladeedba, balse aanay jirin cid kale oo ka bixin kartaa, xataa hadduu Madaxweynuhu bixiyo uu ku amrayo Wasaaradda shaqada ku leh, sidoo kalena Xeer Ilaalintu uga wakiil tahay laamaha dawlada wixii dacwooyin ah ee maxkamadda khuseeya, marka ay ku war geliso Ha’yadahaasi;-

Iyadoo aanaan hayn ilaa hadda amar kasoo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ay ugu sheegayso Xeer Ilaalinta guud iyo Maxkamadda awooda u leh in dhulka boobka shacab Aria wax laga qabto, iyadoo loo marayo sifaha qaab sharciyeed ee dalka u yaala, sidaa darteed waxa laga codsanayaa Wasiirka Hawlaha iyo Guriyaynta J.SL, oo qadiyadni si toos ah Wasaaraddiisa u hoos tagto in uu warbixin  naga soo siiyo arrimahaa ka taagan dhulka dawlada dhexe leedahay ee ay uga wakiil tahay iyadu si loo qaado talaabo sharciga waafaqsan, taas oo la rabo in Wasaaraddu soo sugto, waxay iyadu sharci ahaan bixisay iyo wixii aanay bixin ayaa lagu yidhi, qoraalka Maxkmadda Rafcaanka G/Saaxil.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>