Netherlands (ANN) Maxkamadda caamaliga ah ee dambiyada dagaalka I.C.C ayaa soo saartay liiska magacyada masuuliyiinta lagu eedeeyay inay ku lug- lahaayeen rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenya 2007, kuwaas oo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay

 

ilaa 1200 oo qof, isla markaana sababay inay guryohooda ka qaxaan in ka badan 5000 Qof.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee dalka Netherlands, Mr Luis Mourin Okambo, ayaa si rasmi ah u soo bandhigay maanta  magacyada ragga loo aanaynayo inay huriyeen khilaafkii ka dhashay natiijadii ka soo baxday doorashadii ka qabsoontay Kenya bishii December ee sannadkii 2007, kuwaas oo uu ku sheegay qoraal uu soo saaray inay Maxkamadda hor yimaadaan.
Masuuliyiinta ilaa hadda  magacyadooda la shaaciyay waxa kamid ah Lix nin oo miisaan culus ku leh saaxada siyaasada dalka Kenya,  kuwaas oo ay ka mid yihiin Mr. Uhuru Kenyatta oo ah wasiirka maaliyadda,  ahna raiisal’wasaare ku xigeen, Mr. William Huto oo hore u ahaa wasiirka tacliinta sare, Mr. Henry Kosk wasiirka warshaddaha, madaxa shaqaalaha Ambassador Frances Mtero, Major General Maxamamed Xuseen Cali taliyihii hore ee ciidamada Bilayska oo asalkiisu yahay Somali iyo weriye ka shaqeeya idaacad ku taala gobolka Rift Valley.
Dacwad ooge  Okambo waxa uu ka codsay Masuuliyiintani in ay hor yimaadaan xarunta maxkamadda dambiyada dagaalka ee  Hague, haddii  kale in loo jari doono warqada waaranka soo qabashada.
Lama oga ilaa hadda in dacwada maxamaddu uu saamayn ku yeelan doono xaalada amaanka ee wadanka Kenya , iyadoo la adkeeyay amniga deegaamadii ay hore rabshaduhu uga dhaceen xilligii doorashada, Waxaanay  qaar ka mid ah  masuuliyiintaasi  dhinac  isaga  leexiyeen  eedahaas  loo soo  jeediyey. Balse waxa lagu sheegay waaranka in haddii ay u hogaansami waayaan ay maxkamadda caalamiga ahi u jarayso waaran qabasho ah.
Mr Luis Mourin Okambo oo ah xeer ilaaliyaha dacwad ooggaha maxkamadda caalamiga ah ee denbiya dagaalka ayaa sandkii hore booqday dalka Kenya, wuxuuna waqtigaa sheegay inay xiligan soo saarayaan qaraar, kaas oo soo baxay xili uu Mr.  Uhuru Kenyatta doonayo inuu iska sharaxo doorashada 2011.
Talaabadan ayaa u muuqata mid cabsi gelinay masuuliyiinta dalalka Afrikaanka ee xiliyada doorashada abuura fadqalalada iyo muranka, kuwaas oo dadka shacabka ah u adeegsada awoodooda iyo inay xukunka sii haystaan, iyagoo isticmaalaya awooda xilka ay hayaan iyo masuuliyada ay ku takri falaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *