Hargeysa (ANN) Xildhibaannada watay mooshinka xasaasiyadda abuuray ee wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, ayaa ku gacansaydhay kulan casuumadeed uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku casuumay labada dhinac ee

 mudanayaasha Golaha Wakiillada. Kadib markii ay  ka muquurteen  kulankaa  martiqaadka  qado-sharafeedka  ahaa.
 

Kulankan oo ka dhacay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maalin ka hor, isla markaana ahaa mid aan saxaafadda loo oggolayn, ayaa sida ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen shebekada wararka ee Araweelonews  waxa ku keliyeystay ilaa labaataneeyo mudane oo ka mid ah xildhibaannada sida weyn uga soo horjeeda mooshinka muranka dhaliyey ee wax ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kadib markii ay soo xaadiri waayeen ee ay  ka muquurteen dhammaan mudanayaasha watay mooshinkaas oo Madaxweyne-ku-xigeenku ku martiqaaday.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya sababaha xildhibaannada mooshinka soo oogay uga baaqsadeen casuumadda Madaxweyne ku xigeenku u fidiyey, haseyeeshee sida ilahaasi caddeeyeen waxa ujeeddada kulanka casuumadda ah oo  la xidhiidhay in laysku soo horfadhiisiyo labada garab ee mudanayaasha Wakiilladu u kala jabeen, si meesha looga saaro khilaafka cirka isku shareeray ee goluhu sida weyn ugu kala qaybsamay mooshinka lagu dalbanayo wax ka beddelka xeer-hoosaadka, kadib markii uu soo baxay tuhun weyn oo laga qabo in mooshinkaasi salka ku hayo qorshe lagu afgembiyayo xubnaha Shirguddoonka Aqalka Wakiillada, iyadoo arrintaasina dhalisay ismaandhaafka galaaftay fadhiyadii golaha oo aan ilaa hadda maaro loo helin. Kadib markii si ku meelgaadh ah uu u hakiyay gudoomiye xigeenka koowaad ee gollaha Sh. C/casiis Maxamed Samaale.
Wararka u dhuun daloola  kulankaa ayaa  tibaaxay  in madaxweyne xigeenka Somaliland   Saylici iyo mudanayaasha la safan Shirguddoonka ee isku keliyeystay isla  soo qaadeen arrimo la xidhiidha sida ugu macquulsan, uguna habboon ee lagu furdaamin karo khilaafka kala qaybiyey Golaha Wakiillada oo saamayn ku yeeshay guud ahaan xaaladda dalka.

Dhinaca  kooxda doonaysa inay  wax ka bedel ku sameeyaan xeer hoosaadka gollaha oo lahaa maalmahan kulamo gaara oo ay ku ilaalinayaan isku duubnidooda ayaa  qaar ka mid ah xildhibaannada hormoodka ka ah mooshinka muranka iyo xaasaasiyada  dhaliyey u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews  in aanay wax ka bedelka xeer hoosaadka golohooda cidna gorgortan kala gelayn. Sidaa awgeed aanay diyaar u ahayn inay madal ka baxsan golaha ku horfadhiistaan kuwa iyagu doonaya in aan mooshinkaa lagu kala bixin cod. Waxayna ka baaqashada dhinacooda ee casuumada   Madaxweyne ku xigeenku ku martiqaaday ku tilmaameen mid aan qorshaha ugu jirin, maadaama ay ka aqbaleen madaxweyne xigeenka in la hakiyo mooshinka inta uu dalka kusoo laabanayo madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaate Isku dayga guuldarraystay ee Madaxtooyada, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lagu doonayo in laysku soo horfadhiisiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada, tan iyo intii uu dibadda u soo baxay khilaafka cakiran ee ka dhashay mooshinka kooxda xildhibaannada ah ku dalbanayaan wax ka beddel lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha, kaas oo keenay  in si ku meel gaadha ah albaabada loogu xidho fadhiyadii caadiga ahaa ee Golaha Wakiillada badhtamihii toddobaadkan.
Kooxda doonaysa in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosadka gollaha ayaa u muuqda kuwo kusii dhegan oo ku adkaysanaya in aanay ka tanaasulin mooshinkaa ilaa ay gaadhaan yoolkooda, isla markaana mawqifkoodu sii fogaaday. Kadib markii gudoomiye xigeenka koowaad oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkan weedho kasoo yeedhay dhiniciisu arrinta cirka kusii laaleen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *