Boosaaso(ANN)Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta dil iyo dhaawac u gaystay kooxo hubaysan oo maanta fal dhaawac ah u gaystay sarkaal katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda  ee maamul goboleedka  Puntland. Dilka iyo dhaawac ayaa

yimi kadib markii labo nin oo ku hubaysan Bastoolado ay maanta dhaawac u gaysteen sarkaal katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda  maamulka  Puntland,  kuwaas oo markii ay dhaawaca gaysteen isku deyey  inay  baxsadaan. Laakiin  Ciidamada Booliska ee Magaalada Boosaaso oo wax yar ka dib goota yimi ayaa  toogtay mid ka mid ahaa raggii dhaawaca gaystay.  sidoo kale waxay Ciidamadu dhaawac halis ah u gaysteen kii kale,  iyadoo markii hore dadka dhaawaca gaystay ay ka koobnaayen labo ruux.
Cisbitaalka guud ee Magaalada Boosaaso ayaa la geeyey maydka ninka ay Ciidamadu dileen,  sidoo kale waxaa cisbitaalka la geeyay  ninka  kale ee dhaawacmay,  iyadoo  lagu dawaynayo  halkaa.  Balse  saraakiisha caafimaadka Cusbataalka Boosaaso ayaa noo sheegay in  ninka dhaawaca ah uu qabo dhaawac culus. Sidoo kale waxa goobtaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidanka Bilayska ee Boosaaso.
Guddoomiyaha Gobolka  Bari ee Boosaaso  C/xaafid Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay gudaha Cusbataalka ayaa waxa uu sheegay in raggan ay qayb ka ahaayeen kooxo sida uu sheegay  falal  amaan darro ah ka wada Magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay  inay  ka hortageen Ciidamada Booliska ee dilka iyo dhaawaca u gaystay.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dhaawaca sarkaalka katirsan Maaliyadda uu yahay mid culus laguna dabiibaayo cusbitaalka  sida gaarka ah loo leeyahay ee Puntland Hospital, isagoo xusay  in markii nimankaa ciidanku eryanayeen  uu dhaawac fudud kasoo gaadhay mid ka mid ah Ciidamada Booliska.
Gudaha cusbitaalka  Magaalada Bossaso ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay 2-bastooladood oo waxyaabaha qarxa oo ay wateen kooxaha dhaawaca u gaystay sarkaal katirsanaa wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo  iyagana  ay dil  iyo dhaawaca u gaysteen Ciidamada Booliska.
Gudoomiyaha Gobolka  Bari ee Boosaaso  C/xaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay inay labada nin ee falkaa ku dhaawacay sarkaalka ka tirsanaa wasaaradda maaliyada oo midkood dhintay, ka kalena isagoo dhaawac ah ciidanku qabteen ay kasoo  jeedaan  Koonfurta Somalia, balse aanay ahayn dadka deegaanka. Sidaa awgeed ay ciidamadoodu wadaan qorshe dadka Magaalada iska jooga ee aan la ogayn waxay ka shaqeeyaan lagu qabanayo, kuwaas oo sida uu sheegay ay u arkaan kuwa la shaqeeya kooxaha amaanka wax u dhimaya.

Talaabada ay  Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan koox sidan oo kale fulisay hawlgal qorshaysan ayaa noqonay tii ugu horaysay, iyadoo ay falal dilal lagu beegsado saraakiil ka tirsan maamulka Puntland iyo dad kaleba ka dhaceen halkaa mudooyinkii u danbeeyay,  kuwaas oo aan lagu guulaysan dadkii fuliyay.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *