Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod gacan taag ah ku meel mariyay inay yeesheen Kalfadhi aan caadi ahayn oo  Mudo bill  ah. Kadib markii ay qaar ka mid ah Muadanaaysha Gollaha wakiiladu soo jeediyeen dalab ahaa inay galaan Kalfadhi aan caadi ahayn,   kaas

 oo ay ku sii dar-dargelin doonnaan hawlahooda shaqo, isla markaanna ay ku ansixin doonnaan wixii Xeerar ah ee hadda Golaha wakiillada hor yaalla.
Fadhigii maanta ee Gollaha oo ay kasoo xaadireen 46 Mudane ayaa loo codeeyay mooshinka soo jeedinta dalabka Kalfadhiga aan caadi ahayn, kaas oo   43 Mudane oo ka mid ahaa 46  Mudane oo Madasha fadhiyey ku  ogolaadeen cod aqlabaiyad ah  in Golaha wakiilladu u sii shaqeeyo Muddo hal bil ah oo ka bilaabmaysa maalinta Sabtida ee toddobaadka foodda inagu soo haya, waxaanna Xildhibaanadii fadhigaa maanta ka soo qayb galay ay ku faraxsanaayeen inuu Goluhu wakhtiga dheeraysto si meesha looga saaro is maandhaaf ka dhashay Mooshinka Xeerka kala xadaynta Mushaharooyinka Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Shir gudoonada labada Golle Baarlamaan iyo Mudanayaasha, kaas  oo  ay Mudanayaashu ku kala qaybsameen, isla markaanna ay qaarkood isku gacan qaadeen oo doodiisu maalmahan ka socotay golaha .
 
Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo fadhigaa  guddoominayey ayaa hadal koobban oo uu madasha  ka jeediyey waxaa uu yidhi “Golaha wakiillada waxa jooga 46 Mudane,waxaynu u codayn doonnaa Kalfadhi aan caaddi ahayn oo sida Mudanayaashu soo jeediyeen Muddo afar toddobaad ah, maaddaama oo aynu ku jirno Ciid Kalfadhigaasi,  waxa uu ka bilaabmi doonnaa Sabtida fooda inagu soo haysa.
 
” Hadalkaa yar ka dib waxa la guddo galay Codaynta Kalfadiga aan caadiga ahayn, waxaanna Kalfadhigaa ogolaaday  43 Mudanne, waxaana  diiday  Mudanne keliya, iyadoo uu ka aamusay  Mudanne keliyi iyo  Guddoomiyaha  oo aan  codayn.  Sidaana waxa  ku ansaxay Kalfdhigii aan caadiga ahayn.
Mudanayaasha Gollaha wakiilada ayaa maalmihii u danbeeyay ka doodayay hindisaha xeerka ka xadaynta Mushaharooyinka iyo gunooyinka masuuliyiinta qaranka. Sida Madaxweynaha, ku xigeenka, shir gudoonada labada golle iyo mudanayaasha, waxaana xeerkaa ka dhashay ka hor intii aan golaha doodiisu ka bilaabin muran siyaasadeed iyo buuq ka abuurmay mudanaaysha dhexdooda, iyadoo xaaladu gaadhay inay gacanta isula tagaan. Kadib markii dooda xeerku ka bilaabantay gollaha, iyadoo doodaha qaarkood sheegayeen inay mudanayaasha qaarkood doonayaan inay kordhistaan mushaharooyinka iyo gunooyinka, halka qaar kalena ku doodayaan in baahi weyn loo qabo samaynta xeerkaa, si ay iyaga iyo masuuliyiinta kale ee qarankuba u ogaadaan mushaharooyinka ay xaqa u leeyihiin oo ay u noqdaan wax cayiman.
Waxaana la filayaa inay mudanayaasha gollaha wakiiladu maalinta Sabtida fooda inagu soo haysa halkaa kasii wadaan dooda xeerkaa, iyadoo ay hada u muuqato in laysla meel dhigayo ugu danbaynta xeerkaa, kaas oo ay mudanayaasha doonaya inuu goluhu sameeyo xeerkaa ku doodayaan inay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa iska arkeen, isla markaana ay raali ka yihiin in la helo xeerkaa, taas oo ka danbaysay markii warar iyo doodo jaah wareer ah oo qaar kood sheegayeen in la doonayo in xeerka lagu manja xaabiyo xukuumada oo uu yahay mid siyaasadeed ay soo baxeen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *