Berbera(ANN)Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Koox  ka kooban   9-qof oo lagu eedeeyey  inay ka mid yihiin Shebekada Argagixisada iyo kooxaha ka  dagaalama  Koonfurta Soomaaliya.Kooxdaa badhtamihii Jun 2010, lagu qab-qabtay xarunta gobolka Togdheer

ee Burco ayaa la qabtay
kadib markii koox Bilayska ka tirsan oo daba socday dad doonayay inay falal ka dhan ah nabadgelyada Somaliland ka fuliyaan dalka, taas oo keentay in la dilo Sarkaalkii watay Ciidanka hawlgalka ku daba jiray, isla markaana dhaawac loo geysto sarkaal kale oo ka mid ah Bilayska gobolka.
Qaar ka mid ah dadkii loo qabtay falkaa iyo kuwii baxsaday oo  ku eedaysnaa dilka sarkaal ka tirsanaa oo dhegeysiga dacwadoodu maalmahan ka socotay Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa  9 qof oo ku eedaysnaa kiiskaa waxay  4- ka mid ah, Maxkamaddu  ku xukluntay dil toogasho ah.

Eedaysanaha koowaad oo ah Axmed Ibraahim Faarax oo lagu ku eedeeysnaa  inuu yahay ninkii dilka Toogashada ah kula kacay Sarkaalkii ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Magaalada Burco, laba qof oo kalena dhaawacay markay taariikhdu ahayd 24/6/2010. Ayay maxkamaddu ku riday xukun dil ah, kaas oo goob joog ka ahaa xukunka.
Sidoo kale oo ay maxkamaddu dil ku xukuntay iyaga oo maqan xukuno dil ah ku xukuntay Cabdirakiin Maxamed Xasan, Saleebaan Cabdilaahi Isaaq iyo Xabiiba Dirir Ciid.
Maxkamadda Gobolka Saaxil waxay dilka afartan qof u cuskatay qodobada kala ah 43422 ee xeerka Ciqaabta guud. Sidoo kale waxay Maxkamaddu min hal sano oo xadhig ah ku xukuntay sadex haween ah,   Eedaysnayaasha oo  kala ahaa   Aamina Jaamac Xirsi,     Canab Cabdilaahi Diiriye,  Raxma Cabdilaahi Cali
Waxaana xukunkooda loo cuskaday sadexdan Haweenka ah Qodobada kala ah 331 xeerka ciqaabta guud, kuwaas  xukunkooda lagu sababeeyey inay la shaqeynayeen oo ay gacan siiyeen xubnaha lagu eedeeyey  falalka argagixisada.
 Maxkamaddu waxay xoriyadoodi dib ugu soo celisay laba haween ah oo kala ah,    Kawsar Jaamac Maxamuud,     Nimco Maxamuud Dirir, kadib markii lagu waayey dambigii loo heystay ee ay ku eedysnaayeen. Sida uu sheegay Garsooraha Maxkamaddu.
 
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Ibraahim Ismaaciil Daahir  ayaa sheegay inay saaka xukunadda Maxkamadda kala qeyb galeen sadex Garsoore, iyadoo oo ay jireen Qareeno difaacayey dadka xukunka dilka iyo xadhiga ahba ay Maxkamaddu ku riday.
Maxkamadda ayaa go’aanka xukunadda kala duwan ka dib  qalabkii lagu soo qabtay dadkaa ku wareejisay ciidanka qaranka Somaliland.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *