Hargeysa (ANN)-Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa maanta ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabista xeerka No. 20 ee doorashada, kaas oo ay hore u soo meel mariyeen Golaha wakiiladu, isla markaana u gudbiyeen golaha guurtida.
Fadhigaa golaha guurtida oo uu  guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha, isla markaana ah  Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh.Nuux Furre, waxa kasoo  xaadiray  48 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan oo uu golahaasi ka kooban yahay.

Ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida oo hadal kooban ka jeediyey fadhigaa ka hor intii aan la ansixin xeerkaa ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in wakhtigan dalku ku jiro marxalad xaasaasi ah oo xilli doorasho ah, sidaa darteed loo baahanyahay inay golaha guurtidu ka qaataan doorkooda hawshaa qaranka, isla markaana ay ka baxaan wixii dhexdooda yaala oo ay iska ilaabaan.

Md. Sh. Axmed Sh.Nuux Furre waxa uu ku wargeliyay mudanayaasha golaha guurtida inuu golaha horyaalo wax ka bedelka iyo kaabista xeerka doorashooyinka ee xeer No. 20, kaas oo golaha wakiiladu u soo gudbiyeen todobaadkii hore, wuxuuna yidhi,  “waxa loo baahan yahay in aad waajibkiina ka gudataan oo aad ansixisaan”. Waxayna mudanayaasha madasha fadhiyay xeerkaa ku ogolaadeen cod aqlabiyad ah, iyadoo  ay cod gacantaag ah ku ogolaadeen meel marinta xeerkaa 45 mudane, halka uu hal  mudane diiday, hal mudanena uu ka aamusay. Iyadoo aanu guddoomiyuhu  codayn.

Mudanyaasha guurtida ayaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay inay soo dhexmaraan siyaasado ka soo horjeeda hawlaha kaadhadhka cusub ee qaadashadoodu ka bilaabantay dalka iyo diyaargarawga hawsha doorashada ee ay komishanka qaranku cayimeen Juun 26, 2010, isla markaana fadhigii ugu daneeyay ee golaha guurtida ayaa sawaxan iyo guux ka bilaabmay. Ka dib markii lasoo hadal qaaday xeerkaa oo la filayay inay ansixiyaan, kaas oo ay ku hanjabeen in aanay ansixinayn ilaa ay helaan gunooyin ay sheegeen in laga cunay oo ay ka maqan yihiin.  Balse fadhigii maanta ee mudanayaasha guurtidu ku ansixiyeen wax kabedelka iyo kaabista xeerka doorashada ee xeer  No 20 ayaa meesha ka saaray cabsida iyo guuxa maalmihii u danbeeyay ka jiray golaha guurtida.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *