16 May, 2010 –Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa ku eedeeyey Xukuumadda madaxweyne Rayaale inay wado khal khal iyo xasilooni daro, isla markaana doonayaan inay abuuraan xasilooni daro ay kaga hortegayaan doorashada madaxtooyada ee loo cayimay inay dalka ka qabsoonto 26-bisha June.

 

 Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siillaanyo si weyn u cambaareeyey xadhigii iyo xanibaadii ay Boolisku kula kaceen hawl-wadeenada labada goobood ee ka hawl-gelayay magaalada Hargeysa oo xukuumadu xabsiga u taxaabtay, isla markaana waxa uu falkaa ku tilmaamaymid ka mid ah tallaabooyinka xukuumadu ku carqaladaynayso hawlaha bixina kaadhadhka cusub. Ka dib markii sida uu sheegay ay kalsooni ka weyday shacbiga Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siillaanyo), waxa uu sidaa ku sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo uu maanta soo saaray. War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u qoranaa sidan:- “Iyado dalku ku jiro marxalad xasaasi ah,lana gudo galay hawlo qaran oo muhiim ah, ayaa xisbiga UDUB iyo xukumaddu jiidheen shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta qaranka iyo KDQ-ku si wada jir ah u saxeexeen.

Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay in xisbiga UDUB iyo xukumaddu lumiyeen kalsoonidii shacabka, waxa kale oo wiiqmay xidhiidhkii ka dhaxeeyaya iyaga iyo bulshada ,taas darteed UDUB iyo xukumadduba waxay lasoo baxeen xeelado gaboobay oo ay ku carqaladaynayaaan mashruuca kaadh -bedelka diwaangalinta oo si habsami leh uga socda gobolada dalka. Waxa ka mid ah tabahaas faashilka ah ee ay isticmaalayaan

1- in ay si badheedh ah ugu caga jugleeyeen, una xidh xidhaan muraaqibiinta goobaha kaadh- bixinta ee komishanka Qaranka (KDQ). Mararka qaarna ay hakad galiyaan shaqada kaadh –bixinta.

2- waxay u diraan goobaha kaadh -badalka dhalin yaro si gaar ah u tababaran oo ay ku tilmaameen shaqaale ka socda wasaaradda arimaha gudaha, balse ka tirsan xisbiga UDUB kuwaaso kaadhadh badan sifo aan sharci ahayn ugu gacan galeen,amaba u qaatey ,qaarkoodnaba laga soo saarey jeebabakooda in ka badan sodomeeyo kaadh oo ay rabeen inay si qarsoodi ah debeda ugala baxaan goobaha si ay khal khal I yo rashabad u galiyaan habsami u socodka kaadhadh- bixinta sida dhacdadii salaxlay.

3-inkasta oo aan looga baran war wanaagsan, ama dhexdhexaad ah xisbiga udub iyo xukumadaba waxay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka barnaamijyo runta ka fog , kuwaas oo ah, canbaarayn, dhaleecayn iyo eedayno ay kula dulkufaan xisbiyada mucaaridka siiba xisbiga kulmiye iyo gudida doorashooyinka qaranka (KDQ), kuwaas oo ay ugu talo galeen inay iskaga hor keenaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, dhexdoodana ka abuuraan naxli,xiqdi iyo nacayb.

4-sidoo kale waxay baahiyaan warar iyo baaqyo inoogu filan inaanay UDUB diyaar u ahayn ka qeyb qaadashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

5- waxaa kalo marag ma doon ah in goobo badan oo ka mid ah dalka ay isku dayeen inaan dadku qaadan kaadhadhka diiwaangelinta,kuna fureen tashuush shaki kala gelinaya ummadda iyagoo ku afgobaadsanaya inaan KDQ keenin goobahaas muraaqibiintii deegaamaysan, taasoo ujeedada ka danbaysaa tahay inaan kaadhbixintu ka suurto gelin goobahaas. KDQ waxay sheegeen maadaba aaney lahayn hanti ma gurto ah sida guryo ama xafiisyo inay badiyaaba kiraystaan goobaha ku haboon kaadhbixinta, hase yeeshee xisbiga udub iyo xukumadu waxay xidheen qaar ka mid ah goobaha kaadhbixinta iyagoo isku qanciyey inaaney raali ku ahayn guryahaas iyo cida lehba . Balse waxay indhaha ka laliyeen in masuuliyiin ka tirsan xisbiga udub iyo xukumada guryahaooda iyo xafiisyadoodana la dhiga y sanaadiiqda kaadhadh bixinta sida;

1- Abdi Adan Yusuf Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada gurigiisa oo ku yaala ka soo horjeedka Star Hotel.

2- 2-Abdirasak sh. Adan gudoomiye-xigeenka gobolka gebilay oo gurigiisa oo ku yaala gebilay isna laga dhigay goob kaadhbixineed.

3- 3-Xafiiska udub ee 26-juun oo isna laga dhigay goob kaadh bixineed.

Guntii iyo gebagebadii Nin baa laga hayaa islaantii hooyadeen indho la’aan ma ku ogeyd,dad cunimona wey ku darsatey.waxaan uga jeedaa udub iyo xukumada awelba weynu ku ogayn musuqmaasuqa,urursiga hantida qaranka,kootooyinka ,muranada distoorka iyo xeerarka dalka iyo warar dhagareysan oo ay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka, balse waxay ku darsadeen boobka kaadhadhka diwaangelinta , arbushka goobaha diwaangelinta, abuurid jawi xasilooni darro,iyo khalkhalgelinta doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta. Ugu danbeyn waxaan halkan ku bayaaminaynaa in xisbiga kulmiye daacad ka yahay barnaamijka kaadh-bixinta,taageero buuxdana la garab taagan yahay KDQ-ka, diyaarna u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka. xisbiga kulmiye wuxuu ku gubaabinayaa bulshoweynta reer Somaliland meel kastey joogaan inay kaadha dka codeynta u qaataan si nabadgelyo ah, qof kastaana qaato hal kaadh oo keliya oo sharcigu xaq u siiyey.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *