Hargeysa(ANN) Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka Isgaadhsiinta Somaliland ee Xer No. 50/2011, kaas oo maalmihii la soo dhaafay doodiisa ay ku kala qeybsameen Xildhibaanadda Aqalkaasi, isla markaana ay doodiisa dhinac

 

socdeen dhaqdhaqaaqyo ay hormood ka ahaayeen shirkado dabada ka riixayay in sidaa lagu sii daayo  ansixintiisa iyo kuwo doonayay in waxyaabo baddan laga saaro ka hor inta aan la ansixin. 
Dhismaha golaha wakiilada ayaa saaka subaxnimadii hore laga dareemayay dhaqdhaqaaq iyo saxmad, waxaana ka hor intii aan mudanayaashu gelin fadhiga barxada gudaha ee dhismahaa iyo xafiisyada ku xeeranba laga arkayay qaar ka mid ah mudanayasha oo gooni gooni u faqaya iyo dad shicib ah oo  aan hore loogu arki jirin fadhiyada golaha oo iyaguna kulamo gooni gooni ah la yeelanay xildhibaanada, taas oo u muuqatay inay qayb ka ahayd kaanbaynka iyo loolanka shirkadaha doonayay in xeerka Isgaadhsiinta sidaa lagu sii daayo iyo kuwo kale ee kasoo horjeeda in sidaa lagu sii daayo.
Hase yeeshee abaara 10:00 subaxnimo ayay mudanayaashu ku xeroodeen hoolka shirarka ee ay fadhiyada ku qabtaan oo ah dhismaha cusub ee dhowaan xadhiga laga jaray, waxaana soo galay tiradii ugu badnayd ee mudanayaasha golaha wakiilada ee sannadkii u danbeeyay kasoo xaadira fadhi goluhu yeesho, kuwaas oo kor u dhaafay lixdan xildhibaan,  isla markaana waxa iyana hoolka xagiisa danbe ee loogu talo galay martida soo buuxiyay dad aad u tiro baddan oo aan qaarkood weligood lagu arag kulamada noocan ee baarlamaanka xataa xiliyo ay goluhu yeelan jireen fadhiyo xaasaasi ah, kuwaas oo u muuqday inay ka socdaan labada kooxood ee ganacsatada ku loolamay xeerka.
Suxufiyiinta ka socday warbaahinta ayaa iyaguna aan yarayn, waxaana iyadoo aanu weli dhamaan dhaqdhaqaaqii iyo kaanbaynkii ilaa daqiiqadii ugu danbaysay ka hor intaan codka la qaadin.

Gudoomiye  Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, oo uu garab fadhiyo gudoomiye xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax  ayaa soo fadhiistay kursiga gudoonka, waxaana uu Guddoomiye C/casiis ku amray xoghaymaha inay soo tiriyaan mudanayaasha fadhiya hoolka, waxayna shaqaalaha hoghayntu soo gudbisay inay  madasha ka soo xaadireen oo ay fadhiyaan  67 Mudane oo ka  mid ah 82 ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.
Gudoomiye C/casiis ayaa markaa ka dib ku wargeliyay mudanayaasha inay u balansanaayeen ansixinta xeerka isgaadhsiinta ee Xer No.50/2011, wuxuuna aayado quraan ah ka dib yidhi, waynagii xeerkan mudanayaal u balansanay ansixintiisa, markaa wuxuu ka kooban yahay 81 qodob, waxaynu marka hore u codaynaynaa in qodob qodob loo ansixiyo ama loo diido iyo in duuduub loo ansixiyo, ama loo diido.”
Waxaana cod loo qaaday in duuduub lagu ansixiyo, ama lagu diido, balse aan qodob qodob loo kala furun, taas oo ay mudanayaashu isku wada raaceen. Sidaana waxa golaha cod loogu weydiiyay inta ogol in xeerka sidaa lagu sii daayo iyo inta ogol in sidaa lagu diido, waxaana   natiijada codkaasi noqtay sida uu ku dhawaaqay gudoomiyihu in  34 Xildhibaan ogolaadaan xeerka in sidaa lagu sii daayo, waxaana  diiday  in xeerka sidaa lagu sii daayo 29 Mudane, balse 3 Xildhibaan ayaa ka aamusay, iyadoo aanu Guddoomiyuhuna codayn,  wuxuuna ku dhawaaqay Guddoomyihu inuu sidaa ku ansaxay xeerka Isgaadhsiinta Somaliland. Iyadoo dhawaaqii najiijada ay sawaxan iyo sacab ka bilaabeen madasha kooxdii wadatay in sidaa lagu ansixiyo xeerka. Fadhigii goluhuna sidaa ku xidhmay, iyadoo gudoomiyuhu ku dhawaaqay  inuu goluhu fasax yahay laba bilood.
Mudanayaasha xeerka kasoo horjeeday in sidaa lagu sii daayo waxa ka mid ahaa Garyqaan  Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii diidanaa xeerka ayaa fadhigii saaka ka dib Saxaafada u sheegay  in xeerkaa lagu deg degay oo ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Sidoo kale, Md. Maxamed Faarax Qabile, ayaa go’aankan Golaha ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu tilmaamay in Golaha la laaluushay, waxaanu sheegay inaanay ka hadhayn xeerkan xataa haddii ay ku tagayso inay dacwad geeyaan maxkamada sare.
Laakiin Xildhibaan  Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ahaa Mudaneyaashii meelmariyay xeerka isgaadhsiinta  ayaa sheegay in xeerkani waxtar weyn u leeyahay dalka, maadaama oo uu yahay xeerkii u horeeyay ee noociisa ah ee  Golaha Wakiiladdu meel mariyo.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay xeerkan ku loolamayeen shirkado ganacsi oo qaar dantooda u arkayeen inay ku jirto in aan waxba laga bedelin xeerkaa, halka kuwa kalena u arkayeen in aany ka muuqan dantoodu, sidaa awgeed wax ka bedel baddan lagu sameeyo qodobo baddan oo ka mid ah xeerkaa, kaas oo ay dadka xog ogoolka u ah xeerkani ku tilmaameen mid aanay ka muuqan dantii shacbiga oo xanbaarsan oo keliya dano ganacsi oo koox gaar ah, isla markaana ay qodobo baddan oo ka mid ahi ka hor imanayaan nuxur ahaan dastuurka qaranka.
Xeerka Isgaadhsiinta ayaa u muuqda  mid bilaw u ah  dagaal dhinaca dhaqaallaha oo kusoo wajahaan Somaliland, waana markii ugu horaysay ee taariikhda golaha wakiilada  Somaliland sidan oo kale ay si cad usoo dhexgaleen kooxo ganacsato ah oo dhaqaalle ku kala qaybiyay mudanayaasha, taas oo meesha ka saartay dantii caamka ahayd, isla markaana xeerkan ayaa u gudbaya golaha guurtida, kaas oo aan la saadaalin Karin sida ay ka yeelayaan, balse golaha guurtida ayaa xeerar baddan oo golaha  wakiilada ee waqtigan  oo  lagu tilmaamo kuwii ugu tayo liitay ee taariikhda golaha wakiilada somaliland  soo mara kusoo celiyay, iyagoo sabab uga dhigay in aanay u qalmin in xeer lagu sheego marka la eego qaab  qoraalka iyo nuxurka ay xanbaarsanaayeen. Laakiin xeerkan ayaa isagu kaga duwan xeerarka ay guurtidu golaha wakiilada kusoo celin jiratay wakiilada kooxo ganacsato ah oo dhaaqaale la daba taagan, kuwaas oo qolona doonayso inuu meel maro, halka kooxda kalena doonayaan inaanu meel marin. Sidaa awgeed lama saadaalin maro jawaabta xeerkaa ay ka bixinayaan golaha guurtidu, balse waxa la ogaan doonaa marka la hor geeyo aqalka mudanayaasha guurtida Somaliland

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *