Hargeysa (ANN) Maxkamadda degmadda Hargeysa ayaa dhegeysatay kiis aan hore noociisu usoo marin. Kadib markii saaka maxkamadda la hor keenay Nin sheegtay inuu yahay Nebi, kaas oo ku doodaya inuu yahay Nebi kahadar(CS).  Ninkaa oo magaciisu yahay Shariif Axmed Cabdi  waxa dacwad kusoo

 

oogay Xafiiska xeer Ilaalinta.
Dacwad oogaha ka socday xafiiska  xeer Ilaalinta gobolka Yuusuf Caato ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in Ninkaa oo magaciisu yahay Shariif Axmed Cabdi  (Ina Timira Cawaale ) uu yahay Nin sheegtay Nebi isagoo ku doodaya inuu yahay Nebi Khadar(CS), isla markaana maxkamaddu dhegeystay dacwada kiiska ninkaa saaka  oo  lagu eedeeyay qodobka 342 XCG, oo ay ka furantay  dacwadu maxkamadda gobolka. “Maaha inuu sheegtay oo Keliya Nebi  Khadar ee waxa kaloo uu sheegtay inuu yahay Nebi Maxamed (CSW).” Ayuu yidhi  dacwad oogaha Yuusuf Caato.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inuu Ninkaasi dad baddan ugu balanqaaday inuu xilal u dhiibayo sida uu ku doodayo, isagoo u sheegay inuu yahay Ninka xukunka kala wareegi doona madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Ninkaa sheegtay nebiga ayaa wararku sheegayaan inuu  dhowaan yimi magaalada hargesya, isagoo  kasoo  galay  dhimaca xuduuda ethoipia, isla markaana  Somaliland uu waqti kooban ku sugnaa, iyadoo uu guursaday gabadh deegaanka magaalada ah, isla markaana la siiyay guri weyn oo uu deganaa ka hor intii aan loo taxaabin xarunta CID oo uu ku xidhan yahay xiligan.
Wixii kasoo kordha sheekada  Ninkaa kala soco shebekada wararka ee Araweelonews.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *