Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigatay qoraal ka kooban afar iyo sodon bog oo ay ku sharaxayso  waxqabadkeedii saddexdii bilood ee u danbeeyay, iyadoo qoraalkaa oo saxaafada loo qaybiyay lagu soo bandhigay waxyaabaha ay mudadaa sadexda bilood ah ka

qabatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhinacyada dhaqaallaha, Caafimaadka waxbarashada, nabadgelyada, tayaynta shaqaalaha, mushahar kordhinata, gurmadkii abaaraha iyo dhaamiska   iyo gebi ahaanba adeegyada aasaasiga ah ee   arrimaha bulshada.
Qoraaalka oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-    
Qaybta Labaad

    Hay’adda Miino –Saarka Qaranka  (NDA)
1-    Waxay Hay’adu si joogto ah u wadaa dadaalka ay ugu jirto siddii Somaliland looga sifeyn lahaa walxaha qarxa sida miinada,khasharka baaruuda,rasaasta IWM.
2-    Waxa kale oo Hay’da NDA wadaa wacyigelin bulshada qaybaheeda kala duwan si ay u noqdaan kuwo ka feejigan walxaha qarxa.

    Dhismaha  12 Saldhig
Waxaa la dhisay 12 saldhig Boolis oo loogu talo galay inay Shaqeeyaan 2011-ka Horaantiisa waana la Dhamaystiray
Waxaanay kala yihiin
1.    Gobolka Selal Hal Saldhig – Garbo-dadar
2.    Gobolka Awdal Hal Saldhig – Cali Xaydh
3.    Gobolka Maroodi-jeex  Laba Saldhig – Ex. Badhka, Sal. Cali Rooble
4.    Gobolka Saaxil laba Saldhig –Bulaxaar, iyo Laasciidle
5.    Gobolka Togdheer 3 Saldhig – B/dhiig,khaatumo, iyo Kalbare
6.    Gobolka Saraar Hal Saldhig – War-idaad

Wasaarada Duulista iyo Hawada

1.    Waxa laga Hirgeliyey Madaarka Caasimada Dhismayaal Cusub oo badna iyo Dib u habayn badan kuwaas oo looga golleeyahay in korlooqaado tayada adeegyadiisa iyo in la Buuxiyo Shuruudaha Madaarada Caalamiga ah.
2.    Sidoo kale wax Dib u habayn lagu sameeyey Madaarka Magaalada Berbera Adeegyadiisa kala duwan tusaale ahaan Barxada wayn ee u dhaxaysa dhismaha Madaarka iyo dhabada Diyaaradaha oo Ciid ahaan jirtay waxa loo dhalan gediyey Wado laamiya iyo Marmar Bilic leh oo lagu dhex beeray Geedowaxa kale oo Madaarka lagu Qalbeeyey Kamaradaha (Camera ) ee loo adeegsado Nabad-gelyada iyo Agab Casriya oo isugu jira kuwo wax lagu baadho iyo kuwo lagu wada hadlo, waxa kale oo Dhirgoyn lagu sameeyey Ranway-ga dheer ee 5-ta Km ah talaabdan oo xoojin u ah Abniga Diyaaradaha
3.    Waxa la ansixiyey Lacagtii 3-da Dollar ahayd ee adeegyada Madaarada lagu Filin jiray iyadoo aan marka hore laga qaadi jiray aanay Ansax ahayn.
4.    Waxa la suurto geliyey in la Bilaabo Hordhici Mashruucii ay Dawlada Kuwayt inoogu deeqday, iyada oo la hawl geliyey Shirkad talo bixineed oo heer caalami ah oo hada gacanta ku ahaysa Qiimaynta, Nashqadaynta iyo Diyaarinta  qandaraasyada dib u dhiska madaarada Hargeisa iyo berbera
Wasaaradda Maaliyada:

Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Qaranka Somaliland ugu xil saaran tahay kobcinta dhaqaalaha oo ku fadhiya ururinta dakhliga kuwaas oo ku salaysan tacriifadaha  dakhliyeed ee Golaha sharcigu ansixiyaan.
Wasaaradda Maaliyaddu iyadoo shan bilood oo hawl adag 2010 ka soo gudubtey ayay hadana ka dhabaysay inay Miisaaniyaddii 2011, hor geyso  Golaha wakiiladda waqtigeedii. Miisaaniyaddaas oo xambaarsanayd dhamaan balan-qaadyadii xukuumada ee waqtigii ololaha  Doorashada:-
a)    Kordhinta Mushaarooyinka Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada iyo Golayaasha Qaranka.
b)    Jaangoynta Mushaharka Golayaasha Qaranka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
c)    Ka dhaafida fiiga iskuuladda Hoose/Dhexe ee dugsiyada Dawladda.
d)    Soo xarayn Dakhliyadii aan hore ugu dhici jirin Khasnada Dawladda Dhexe, sida Dekedda, Maxjarka iyo Haamaha Shidaalka Berbera.
e)    Ku darida Miisaaniyadda ee Mashaariicda Horumarineed, sida dhamaystirka Brigka Hargeisa oo 5 sano qabyo ahaa, bilawga waddada Dila, Idaacad cusub oo dalka ku baahda,  mashruuca wajaale/Aburiin, Qaboojiyaha Berbera I.W.M.
f)    Bixinta kharashka daabacaada lacagta som.lnd.sh. ee bangiga dhexe.
g)    Qorshaha 11 xafiis oo cusub laga dhisayo gobolada dalka iyo xafiiska dhexe (main office) oo Hargeisa ah, waxa qayb ka mid ah  naga taakuleeyey USAID.”
La soco qaybo kale oo mihiim ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *