Washington(ANN) Dawlada Maraykanka ayaa si weyn uga walaacsan Xarun tababar ciidan oo laga sameeyay maamul goboleedka Puntlan, taas oo durba dafcadii u horaysay ee ciidamadaa laga soo saaray. Kadib markii ay dhamaysteen tababar uga socday mudo dhawr  bilood ah goob qarsoodi ah

 

oo ku taal dhinaca Barri ee Magaalada Boosaaso.
Afhayeenka arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr.  P.J. Crowley, ayaa sheegay in Maraykanku ka warqabo hawl galkaas hase ahaatee aanu sinnaba ugu lug lahayn.Wuxuuna  sheegay in Maraykanku su’aalo iska weydiinayo  cidda taageeraysa iyo ujeedada laga leeyahay mashruucaa  oo bilaabay inuu tababaro ciidan military ah oo gaadhaya 1050 askari Puntland gudaheeda.

Wakalada wararka ee Associated Press ayaa xogtaa heshay kadib markii ay sameeyeen xidhiidho  dhinaca  taleefoonka iyo waraysiyo xaga E-mailka ah oo  ay la yeesheen sadex khuburo ah oo ku dhaw goobaha abaabuladu  ka socdaan. Khuburadaa  ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay tababaro ka bilaabmeen Puntland, maamul goboleed ka dhisan Waqooyi Bari, lana aaminsanyahay inay ku jiraan saliid iyo shidaalba.

Pierre Prosper, oo ahaa shaqsi u qaabilsanaa dambiyada dagaalka xiligii madaxwaynihii hore ee Mareekanka ee Bush, ayaa wakalada  AP u sheegay in dal Islaam ahi u shaqaalaysiisay inuu lataliye u noqdo dhinaca  amniga iyo la-dagaalanka  musuqmaasuqa.  Mr. Pierre Prosper ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo dalka shaqaalaysiiyey, isagoo intaa ku daray in dhaqaalahani ay ka yimaadeen “sanduuqa zakada”, waajib kamid ah tiirarka Islaamka oo sanad waliba laguto. Isla deeq bixiyahaas ayaa maal galiyey abaabulka kasocda Waqooyi Bari, oo lagu doonayo in lagu dhiso ciidan aad u xoogan.

Dhinaca kale  Afhayeenka wasaaradda arrimaha debeda ee maraykanka  ayaa    warfidiyeenada  u sheegay inay la socdaan oo keliya in maamulayaasha Puntland ay qandaraas siiyeen sharikad gaar ah oo xagga ammaanka qaabilsan inay gacan ka siiso la dagaallanka budhcad-badeedda gobolka. Hase ahaatee waxaa uu sheegay inaan iyaga lagala tashan barnaamijkaa.  sidaa awgeed aanay  iyagu  wax maalgelin ah ku sameyn, isla markaana ay  ka walaacsan yihiin cidda maalgelinaysa oo aan la garanayn, ujeeddooyinka laga leeyahay iyo baaxadda uu leeyahay intaba.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Maraykanku uu doonayo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ciidankaas oo saraakiil gobolka joogta ay sheegayaan inay tababarayso sharikad ammaanka ka shaqeysa oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Saracen International.
Wakaaladda wararka ee Maraykanka, AP, waxay shalay ku warrantay in ciidankaa  ay maagelinayso dowlad muslim ah oo aan la magacaabin oo soo qortay sarkaal hore uga tirsanaan jiray CIA-da Maraykanka iyo diplomacy sare oo hore uga mid ahaa maamulka Maraykanka inay gacan ka siiyaan abuuritaanka ciidankaa ee laga wado gudaha maamulka Puntland.

Qaybtii ugu horreysay ciidankaa  oo ka kooban 150 nin oo Soomaali ah waxay dhammaysteen tababar 13 toddobaad ah maalintii Isniintii. Waxaa uu ciidanku ku qalabeysan yahay 120 gaadhi oo ah nooca pickup-ka  iyo Lix Diyaaradood oo ah nooca  yar-yar oo xeebaha ilaalinaya.
Bishii September, maamulka Obama waxaa uu sheegay inay qorsheeyeen inay ballaadhiyaan la macaamilka maamul goboleedka  Puntland  ee Soomaaliya iyo sidoo kale jamhuuriyada  goonida u taagan ee Somaliland, taas oo qayb ka ah dadaalka Maraykanku ku doonayo soo celinta nabadda Soomaaliya.
Saraakiisha Maraykanku mar kale ayay sheegeen isla Septembar inay si gaara ula macaamilayaan Somaliland. Laakiin  waxay sheegeen in aanu  gaadhsiisneyn aqoonsi ay u fidiyaan Somaliland, iyagoo ku dooday inay dhinaca amaanka iyo horumarka dhinacayada adeegyada aasaasiga ah kala shaqaynayaan Somaliland  oo ay ku amaaneen horumarka dhinaca dumuqraadiyada iyo adeegyada aasaasiga ah. 

Jiritaanka ciidanka la sheegay inay sameeyeen maamulka Puntland waxay walaac ku abuurtay xaalada amniga gobolka  iyo dalalka daneeya arrimaha geeska ee mandaqada,  iyadoo ay jiraan warar mudooyinkii u danbeeyay sheegayay inay Dekedda Magaalada Boosaaso kasoo degayeen Hub tiro badan, kaas oo lagu soo daabulayay dhinaca Beriga, isla markaana dabayaaqadii todobaadkii hore waxa jiray warar sheegayay in markab ka mida shixna Hubka oo kusoo jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso ay qabteen ciidamada maraykanka eek u sugan gacanka Cadmeed. Laakiin ma jiraan warar danbe oo sheegaya inay ciidamada maraykanku sii daayeen markabkaa shixnada hubka ah siday iyo in kale.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *