Baraawe(Araweelo News Network)Ciidamo shisheeye oo aan weli la shaacin wadanka ay u dhasheen ayaa xalay saqdii dhexe weeraray Magaalada Xeebta Baraawe ee

 

shabeelada Hoose oo ka mid ah saldhigyada Al-shabaab, taas oo 180 km dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab oo ka hadashay weerarkaa ayaa dhinaceeda sheegtay inuu fashilmay weerarkaa oo ay ku tilmaameen in ay  ciidan caddaan ah kusoo qaadeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe 2:00 habeenimo ay ciidan caddaan ah  weerareen guri kuyaal magaalada Baraawe oo ay deganyihiin rag mujaahidiin ah, balse waxa uu sheegay in weerarkaa oo laysu adeegsaday Bambaanooyin iyo qoryaha darandooriga u dhaca ay  fashiliyeen Ciidamadii soo weeraray oo sida uu sheegay ku guuldaraystay inay gaadhaan ujeedada weerarkooda.

Abu Muscab, waxa uu sheegay in dagaal ku dhawaad saacad socday uu gudaha magaalada ku dhaxmaray ciidankii shisheeye ee weerarka soo qaaday iyo kuwa Al-shabaab .
“Gaaladii soo duushay markii ay fashilmeen oo ay arkeen in ujeedkii ay rabeen in aanay gaadhin ayay dhanka Badda u carareen mujaahidiinta ayaana dabagalay oo eryaday, doonyo ayayna ku baxsadeen allaah ayaa ku mahadsan guushiina geesiyaasha mujaahidiinta ayay raacday”.ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in weerarka uu kaga dhintay mid ka mid ah mujaahidiinta Al-shabaab, balse aanay waxba gaadhin dadkii guriga ujeedada weerarku ku socday ku jiray, isla markaana laga furtay ciidamada weerarka soo qaaday  Qalab iyo agab Melleti. Sidoo kale waxa uu sheegay inay arkeen raadad ay rumaysan yihiin inay muujinayaan dhaawacyo soo gaadhay Duuliyayaasha waday diyaaradaha ka qayb qaatay hawlgalkaa.

Dhinaca kale waxa uu weerarkani kusoo beegmay dhawr todobaad ka dib markii weerar si weyn usoo jiitay indhaha caalamka kooxda Al-shabaab  ka tirsan oo qabsaday dhisme ganacsi oo lagu magcaabo Westagate mall, kaas oo dhaliyay khasaare naf iyo maal ah, isla markaana kooxda dhismahaa qabsatay ka baxsadeen goobtaa afar maalmood ka dib.

Sidoo kale Ciidmada Kamandousta Faransiiska ayaa hore u weeraray Buulamadheedh oo ka tirsan deegaankaa January 2013, kuwaas oo ka koobnaa 50, isla markaana watay  shan diyaaradood, iyagoo doonayay in ay soo furtaan sarkaal afduub mudo dheer looga haystay, balse hawlgalkaa ayaa guuldaraystay, waxaana ku dhintay dhawr ka mid ahaa askarta fanasiiska ee weerarka soo qaaday, iyadoo kooxda Al-shabaab sheegtay hawlgalkaa kadib in ay dileen sarkaalkii u afduubnaa.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *