Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay kala qaybsanaanta ka dhalatay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Nov 2012, wuxuuna ugu baaqay saxaafada inay xaalada dejiyaan oo ay hoos u dhigaan

wixii aan haboonayn ee la xidhiidha khilaafka ka dhashay doorashooyinkaa ee qaranimada iyo midnimada ummada wax u dhimaya.

Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxa sidaa ka sheegay kulan gaaban oo uu sheegay inuu kula sii dardaarmayo saxaafada, isagoo xusay inuu safar caafimaad ugu baxayo dalka Britain, wuxuuna saxaafadda Somaliland kula taliyey inay hoos u dhigaan wixii aan haboonayn ee la xidhiidha doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay, wuxuuna ku tilmaamay shay dabiici ah in meel kasta oo doorasho ka dhacdo ay bulshada ku dhaqani kala qaybsanto muddo kooban, balse midnimadu ay tahay ta ay ku dambeeyaan mar kasta oo ay iska dhamaato is qab-qasiga iyo khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in golaha Guurtida Somaliland uu ku jiro doorkii uu bulshada ku lahaa, isla markaana aanay ugu jirin waxyaabo isku dhac ah oo bulshada dhex-maray  oo ay wax walba ka hawlgelayaan, nabadgelyaduna ay tahay aasaaska ay ummadani ku soo caano maashay.

Mudane Saleebaan mar uu  ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda iyo golaha guurtida, wuxuuna xusay inuu jiro xidhiidh wanaagsan iyo wada shaqayn ay la leeyihiin xukuumadda somaliland, maadaama golohoodu yahay gole Odayaal dhaqameed oo nabadgelyo ee aanay ahayn gole siyaasadeed.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *