araweelonewsLondon(Araweelo News Network)Laba mudane oo kala ah; MP Paul Blomfield iyo MP Clive Betts oo xubno ka ah baarlamaanka UK, xisbiga mucaaridka ah ee Labour-kana uga soo baxay magaalada Sheffield ayaa shaaciyay

 

sida ay taageerada ula barbar taagan yihiin aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

Mudane Paul Blomfield, ayaa barta Twitter-ka ee uu internet-ka ku leeyahay ku sheegay inuu markasta ku dedaalo sidii uu taageero ugu fidin lahaa aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dalalka dunida.

“Markasta aad baan ugu faraxsanahay in aan taageeradayda ku biiriyo aqoonsiga Somaliland,” ayuu Md. Paul Blomfield ku yidhi qoraalkiisa, isagoo sidoo kale Jaaliyadda Soomaalida ee Israac u jeedin doona khudbad lagu taageerayo aqoonsiga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland Jimcaha toddobaadkan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed dawladda Somaliland soo saartay shalay oo lagu baahiyey bogga ay internet-ka ku leedahay, Md. Clive Betts oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan, ayaa isaguna muujiyey taageerada uu u hayo madaxbannaanida Somaliland, iyadoo xildhibaannadaasi ka mid yihiin taageerayaasha ajaanibka ah ee ololaha ugu jira sidii Somaliland aqoonsi uga heli lahayd dunida.

Dhinaca kale, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa arrin taariikhi ah ku tilmaantay dood Golaha Degaanka magaalada Sheffiled ee dalka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland Arbacada maanta, iyadoo kulankaasna ay ka qaybgeli doonaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka socda dalka Somaliland.

“Dooda Golaha Degaanka Sheffield, waxa uu noqon doonaa ka ugu horeeya ee Golayaasha degaanka UK ee aqoonsada qaranimada Somaliland, waxayna Golaha Degaanka Sheffield ka doodayaan mooshin dawladda Ingiriiska loogu baaqayo inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, dalalka kale ee adduunkana ku dhiirigelisay inay tallaabadeeda oo kale raacaan.
Waxa dooda Golaha Degaanka Sheffield ka qaybgalaya Wasiirrada Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali Aadan Cawaale iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Somaliland.

Sidoo kale dawladda Somaliland waxay sheegtay in mooshinka lagaga hadlayo aqoonsiga uu diyaariyey xildhibaan Mohammad Maroof oo ka tirsan Golaha Degaanka Sheffield, kaasoo helay saxeexa in ka badan laba kun oo muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield oo lagu dalbaday aqoonsiga Somaliland.

dadweynaha ku dhaqan gudaha Somaliland iyo dalalka dibadda, ayaa si aad ah ugu dhegtaagaya dooda Golaha Degaanka magaalada Sheffield City ee dalka Ingiriisku maanta ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland, iyadoo mooshinka laga doodayo si xooggan loogu sharraxay taariikhda Somaliland, hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka jira, isla markaana muujinaya inay buuxisay dhammaanba shuruudaha dawladnimo ee dalka lagu aqoonsan karo, sidaa darteedna loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland loo aqoonsado qaran madaxbannaan oo kursi ku yeesha Qarammada Midoobay.

Golaha degaanka magaalada Sheffield, ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland, iyadoo arrintaasi aanay ka dhignayn in dawladda Ingiriisku aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland, balse ictiraafkaasi waa mid ku kooban Golaha Degaanka Sheffield, taasoo noqon doonta iftiin yar oo u baxay ololaha Somaliland ugu jirto inay aqoonsi buuxa kaga hesho beesha caalamka.

Golaha Degaanka magaalada Sheffield City oo ka kooban yahay 84 xildhibaan oo aqlabiyadda ugu badan ka soo jeedaan xisbiga Labour-ka ee Ingiriiska, kaasoo 60 xubnood ku leh golahaas, halka 22 mudane ka soo baxeen xisbiga Liberal Democratic, halka laba kalena ka soo jeedaan xisbi yar oo dalkaas ka tirsan.

Waxa kale oo degaanka Sheffield lix mudane ku leeyahay baarlamaanka Ingiriiska, lix kalena Baarlamaanka Midowga Yurub, iyadoo arrintaasina muujinayso muhiimadda iyo saamaynta degaanka Sheffield ku leeyahay gudaha Britain iyo guud ahaan qaaradda Yurub, waxaannu aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield faa’iido u leeyahay inay saaxiibbo xooggan ku yeelato gudaha Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Dhinaca kale, aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield City, ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho, isla markaana farriin siyaasadeed u diro xisbiga Labour Party oo xildhibaannada ugu badan ku leh, waxaana kasoo jeeda xisbigaa ra’iisal-wasaarayaashii ugu dambeeyey ee dalka Britain sida  Mr. Tony Balair iyo Gordon Brown, balse xisbigaa ayaa waqtigan ah mucaarad, waxana hoggaamiya Mr. Ed Miliband oo xubin ka ah Baarlamaanka Ingiriiska.

Magaalada Sheffield City oo dhul ahaan ku fadhida bed dhan 367.9 km², waxa ku nool dadweyne tiradoodu gaadhayso 551,800, iyadoo afartii sanno hal mar doorashooyinka golayaasha degaanku ka dhacaan guud ahaanba dalka Ingiriiska, waana magaalada labaad ee ugu weyn dalka Britain.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *