kulmiyeflagHargeysa(Araweelo News Network)Guddida Fulinta xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa ansixiyey tirrada guud ee ergada ka qaybgalaysa

 

shirweynaha 3aada ee xisbiga oo dhan 1,162 (kun, boqon iyo lixdan iyo laba) ergo.

Kulan guddida fulinta KULMIYE yeesheen gelinkii dambe ee shalay, waxay ku ogolaadeen in ergada shirweynaha xisbiga ka qaybgalaysaa noqoto 1,162 ergo, iyadoo 941 xubnood oo ergadaas ka mid ahi yihiin tiradii hore ee Guddida qabanqaabadu ku heshiin weyday, halka 221-ka ergo ee kalena yihiin qaar loogu kala kordhiyey 50 xubnood oo dumarka ah, 50 xubnood oo qurba-jooga la siiyey iyo 121 xubnood oo loogu kala kordhiyey saamiga gobolada dalku ka heleen ergada shirweynaha xisbiga ka qaybgalaysa.

Shirweynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE, ayaa afar jeer dib uga dhacay inuu ku qabsoomo muddadii loo cayimay, isagoo xisbiga tallada hayaa aannu muddo lix sanno ah wax shirweyne qabsan ilaa 30 March 2008 oo ahayd maalintii la soo gunnaanaday shirweynihii 2aad ee KULMIYE, waxaannu shirweynahaas mar kale dib uga dhacay inuu qabsoomo 25 December  2013, halka sidoo kale  shirweynaha 3aad ee KULMIYE baaqday laba jeer oo kale oo loo muddeeyey oo kala ah 21 January 2014 iyo 22 March 2014, iyadoo aan ilaa hadda muddo cusub loo qaban shirweynahaas, balse waxa hoggaanka iyo guddida fulinta xisbigu isla qaateen in ergada shirkaas ka qaybgalaysaa noqoto 1,162 ergo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *