Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wasiirka Kalluumayiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Xuseen Jaamac (Geeljire), ayaa maanta si wada-jira xadhiga uga jaray Urur loogu magac-daray Somaliland

Women’s Association (SLWA) oo ka shaqayn doona horumarinta haweenka Somaliland.

munaasibadda Daah-furka ururka SLWA oo lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Masuulliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlammaanka, Wasiirka Kalluumayiga, Guddoomiyaha Xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyadda, Afhayeenkii hore ee xisbiga Xasan Xuseen Codyare, xoghayihii xisbiga UCID Muuse Xaasi Maxamuud (Muuse Inji, Ururka dhallinyaradda SONYO, haween iyo marti-sharaf kale.


Guddoomiyaha Xafiiska Somaliland ee Ururka SLWA Marwo Aniisa Cabdi Ciise, ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada aas-aaska ururka iyo waxyaabaha uu qabanayo, waxaanay hoosta ka xariiqday inaanu ahayn urur siyaasad ku lug leg, balse uu ka shaqayn doono horumarinta haweenka iyo Carruurta, iyo ka-qaybgalka sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka, waxaannay hadalkeeda ku bilowday sidan ” Ururka SLWA waxa aas-aaskiisa iyo fikirkiisa abuurtay Marwo Caasha Xuseen Maraykan iyo haween ka mid ah qurbojooga UK, kaasoo ka diiwaangashan dalka Ingiriisa. maantana waxa Ilaahay mahadii ah inaynu isugu nimi furitaanka laantii SLWA ee Somaliland aanu ka furno. SLWA maaha urur ku dhisan siyaasad, waxaannu masuul ka noqon doonaa horumarinta haweenka iyo caruurta.”


Guddoomiyaha Ururka SLWA ee Somaliland waxay haweenka u soo jeedisay inay  u soo jeestaan ka qaybgalka horumarka oo ay iska laabaan siyaasadda iyo qabyaaladda. Bashiir Cabdi Xarriir Guddoomiyaha Xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, oo Xafladdaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Waxaannu aad iyo aad ugu faraxsannahay Ururka SLWA oo furitaanka Xafiiskiisa Somalialnd laga furayo aannu ka soo qaybgallay, waxaannu ognahay kaalinta weyn ee ay Ururka Haweenka ee SLWA ka soo qabteen Carriga Ingiriiska, hadday tahay kaalinta qaddiyadda Somaliland, isku xidhka dadweynaha reer Somalialnd ee ku nool Carriga Ingiriiska, Wufuudda Somaliland ka tagta ee halkaa tagta sidii qiimahooda kor loogu qaadi lahaa ka shaqayn jiray. maantana waxaan hubaa in qof kasta oo Haweenkaa kula kulmay Qurbaha inay garanayaan qiimaha ay Haweenkaasi ku leeyihiin Somaliland.
“Maanta waa Illaahay mahaddii mar haddii ay gudihii u soo wareegeen, waxaan hubaa inay noqon doonaan Ururrada gaadha Heer Qaran ee gaadha dalka oo dhan, hadday Haween tahay, hadday Dhalinyaro tahay, hadday dadwaaweyn tahay, waxaan rejaynaynaa inay wax badan oo horumar ah dadka
iyo qarankaba ku soo kordhin doonaan, Illaahayna waxaan uga baryayaa inuu shaqadaa ay bilaabeen ku guuleeyo.” sidaa ayuu yidhi Bashiir Cabdi Xariir.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa aad u ammaanay Haweenka aas-saasay Ururka Haweenka ee SLWA, waxaanu yidhi; “Aad iyo aad bay sharaf noogu tahay inaannu ka soo qaybgallo Xafladda furitaanka Ururkan SLWA, Runtii waxaannu annagu garanaynaa Hablaha ka dambeeya Ururkan ee aasaaskiisa leh ee deggan Carriga Ingiriiska, waa hablo aad hawlkarnimadoo loo yaqaanno, waa hablo siday u wer-wersan yihiin dalkooda iyo dadkooda ay ku dheehan tahay waddaninnimo, jacaylna u haya ummaddooda iyo sidii ay u fulin lahaayeen wax badan oo maskaxdooda ku jira. markaa waxaannu ugu mahad-naqaynaa inay ka soo gudbeen halkii ay ka shaqaynayeen ee Ingiriiska ay dalka gudihiisiina maanta u soo gudbeen aad baad ugu mahadsan tihiin baannu idin leenahay.”


Wasiir Geel-jire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Aniga farxad labaad baa igu jirta oo Aniisa oo walaashay ah, oo muddo badan aannaan is arag oo aannu isku Class-na aannu ahaan jirnay inaannu maanta Xafladdan ku kulanno farxad weyn bay ii tahay. waxaanan halkan idiinku soo gudbinayaa Cudur-daar ay isoo fartay Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo filaysay shirkii Guddiga nadaafadda inay goor hore ka soo baxdo, hase ahaatee, aanay u suuragelin, sidoo kale Wasiirka Caafimaadka oo shaqo ku kallahay ayaan isagana cudur-daar ka sidaa, oo taleefanka igula soo hadlay labadooduba way innoo iman kari waayeen. Aniga iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladuna waxaannu halkan wada-jir ugaga dhawaaqaynaa inuu Ururka SLWA aannu ku soo dhawaynayno dalka oo uu furan yahay.”


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cabdiraxmaan-Cirro), ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Wadani, ayaa soo dhaweeyey furitaanka Ururkan. “Waxaannu sidaa Wasiirku yidhi ku dhawaaqaynaa in Ururka SLWA oo loo wan-qalay maanta uu ka curtay Somaliland. Waxa Somaliland ka caan ah laba Urur oo Haweenka reer Somaliland leeyihiin oo ah Nagaad iyo NAW, waxa maanta ku soo biiray Urur saddexaad oo Caalami ah, markaa waxaannu leenahay hambalyo, wanqal wanaagsan, hawl wanaagsanna waannu idinka rejaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlayey aasaasayaasha Ururka SLWA oo uu sheegay inay hormuud ka tahay Caasha Xuseen Maraykan, waxa uu yidhi; “Sidaa la sheegayna waxa aas-aasay Ururkan Hablaha reer Somaliland ee Qurba-joogga ah ee ay Caasha Xuseen Maraykan hormuudka ka tahay, waanad maqlayseen in cid kasta oo halkaa tagtay ay ka mahad sheegatay ama wax-tarkooda ha noqdo ama horumarka Somaliland ee ay wadaan ha noqoto, markaa kol hadday maanta Hargeysa ka furteen Xafiiskoodii soo dhawaada ayaannu leenahay gobolladana waa gaadhi doontaan oo iyagana xafiisyadiina waa ka furan doontaan, Illaahayna inuu idin guuleeyo ayaannu idiinka baryeynaa.”

Khadiija Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka mid ahayd haweenkii xafladdaa Ururka lagaga dhawaaqay ka hadlay, ayaa tidhil; “Waxa farxad ii ah inaan ka soo qaybgalo Ururkan Haweenka SLWA, oo  Hablaha aasaasay ay yihiin Hablihii aannu wada kornay, oo aan ogahay inay shaqooyin badan bulshadooda qurbaha iyo gudahaba u qabtaan. Waxay ka shaqayn jireen dalal badan oo Yurub ah, waxay ka shaqayn jireen Carruurta dhibaataysan ee Jeelasha ku jira, kuwa waddooyinka ka buuxa iyo caafimaadkooda, Ururka SLWA waxay ahaayeen Ururka Carruurta Jeelasha ugu taga, markaa waxaan leeyahay wax qabadkiinnii hore ku dara Carruurteenna Badaha iyo Saxaraha ku dhammaaday.”

Khadiija Baandare oo ka hadlaysay hawlaha Ururkani ka qaban jiray Qurbahaha wakhtigii ay Qurba-joogga reer Somaliland ka mid ahayd, waxay tidhi; “Ururkan SLWA waa Urur caalami ah oo haysta Lambarka deeqaha Caalamiga ah oo aan filayo Somaliland ahaan inuu wax badan innoo tari doono. inkasta oo hore loo odhan jiray Dumarku waxay la wareegeen Shaqadii Ragga ee biilasha, immikana SLWA waxay yidhaahdeen waxaannu wax ka qabanaynaa, Dhaamamka, Biyo-xidheennada iyo Waddooyinka, markaa waxaan leeyahay maanta Haweenki hawshaana way la wareegeen ee aynu biyaha xidhanno, waxaanan leeyahay SLWA ku soo dhawaada Somaliland.”

Sidoo kale, waxa iyaguna Munaasibaddaa ka hadlay Xasan Xuseen Cod-yare, Muuse Xaaji Maxamed Guuleed (Muuse-Inji) iyo siyaasiyiin kale, kuwaasoo dhammaantood si isku mid ah u sheegay inay ugu faraxsan yihiin furitaanka Ururka Haweenka Somaliland ee SLWA, isla markaana waxay ku dheeraadeen dedaalka iyo kartida Haweenka Ururkaas oo hore uga shaqayn jiray Qurbaha gartay inay maanta soo gaadhsiiyaan wax-qabadkooda Somaliland. Waxay xubnahani si wada-jir ah uga wadahadleen, isla
markaana ay iska wada daba mareen kartida, daacadnimada, wax-tarka iyo ka shaqaynta horumarinta bulshada oo ay haweenkaas ku majeerteen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *