Hargeysa(ANN)Mudaharaadyo kala ujeedo ah ayaa maanta ka dhacay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo goobo kala duwan ka dhacay, isla markaana sababay inay ciidamadda Boolisku xabsiga u taxaan tirooyin dad ah. kadib markii koox haween u baddan oo doonayay inay xarunta

 

Madaxtooyadda cabasho uga muujiyaan sida ay uga xun yihiin xadhiga Badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib u Dejinta, Axmed Cilmi Barre(ina Cilmi Yare) iyo La taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliiland Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo laba todobaad ka hor   10 March isugu daray xil ka qaadis iyo xabsi. Kadib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq, balse aan ilaa ha la horgeyn maxkamad, isla markaana ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Dadkaa mudaharaadayay ayaa Ciidamada Boolisku ka war heleen subaxnimadii, ka hor intii aanay gaadhay Madaxtooyadda, waxaana markiiba loo dalbaday ciidanka Booliska oo tacshiirado rasaas ooda kaga qaaday, iyagoo maraya dhismaha wasaaradda arrimaha Debeda.
Ilaa sideed qof oo ka mid ahaa dadkaa yaa Saldhiga  loo taxaabay, iyadoo ay kala yaaceen markii ay ciidamada Booliska ee USP kala dareeriyeen. “Waxanu doonaynay inaanu cabasho ka muujino sadexda masuul ee inta xilka laga qaaday xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo aan weli maxkamad la keenin, Booliska ayaa rasaas nagala horyimi, may odhan istaaga ee way nagu bilaabeen, waanaga Orodkii halka ku marayna oo qofba meel ayuu u caray intii ay qabteen mooyee.” Sidaa waxa tidhi Nimco oo ka mid ahayd dhawr haween ah oo ka qaybqaatay mudaharaadka, balse ka badbaaday inay Boolisku gacanta ku dhigaan oo weriyayaal shebekadda Araweelonews ka tirsani kula kulmeen wadada dhakhtarka weyn ee hargeysa dabadiisa marta oo ay xiliggaa marayeen iyagoo doonaya inay xaafadohoodii ku noqdaan.
Waxayna intaa ku dareen inay Boolisku qaar ka mid ah ilaa sideed qof oo ay qabteen garaaceen. Kadibna kaxaysteen oo aanay garanayn meel la geeyay.

Dhinaca kale  Ardayda Dugsiga sare ee Mu. Quule Aadan Dool (ex-xalane), ayaa burburiyay goob xashiish ay dawladda Hoose ee Hargeysi ka samaysay shalay duleedka baraxada hore ee dhismaha  Dugsigaa. Hase yeeshee Maamulka Dugsiga iyo Ardayda ayaa Dawlada Hoose uga digay inay goob qashin ka sameeyaan halkaa, balse markii ay ka dhegga adaygtay dawladda Hoose, ayay gacantooda ula tageen dhismahaa, taas oo sababtay inay Ciidamo Booliis ah, ayaa  saaka markii Dugsiga la soo galay Saldiga Iftin u taxaabay Maamulaha  Dugsigaa C/llaahi X. Xasan taasoo sababtay inay Ardaydii weeraraan saldhigaa, iyadoo  Ciidamada Booliiskuna ay rasaas kala hor yimaadeen, iyadoo aanay wax khsaare ah oo ka dhashay gedoodka Ardayda dugsigaa.
Waxaana arrintaa ka dhashay rabshado balaadhan  oo socday ku dhowaad saacad, balse la xaliyay markii ay soo dhexgaleen  masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo goobta tegey iyo xildhibaano, kuwaas oo ku guulaystay inay xaaladda dejiyaan. Sidaana lagu soo daayo Maamulihii Dugsigaa ee boolisku xidheen.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *