Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa  saaka  xabsiga dhexe u dhaadhicisay Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madaw, iyadoo aanay  Maxkamad awood  u lihi xalaalayn xadhiga rumaanka ah ee lagu geeyay xabsiga dhexe ee Hargeysa. Kadib markii  ay ciidanka boolisku ka

qabteen madaarka Hargeysa March 10 2012,  isagoo kasoo laabtay dalka Imaaraadka carabta ee Dubai oo uu degnaa mudooyinkii u danbeeyay, isla markaana mudo laba todobaad ah ku xidhnaa xarunta CID, ee denbi baadhsita, iyadoo aan Maxkamad la horgeyn.
Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay xabsiga u dhaadhiciyeen. Kadib amar kaga yimi dhinaca madaxtooyadda, wuxuuna ku dooday in la mariyay maxkamadda oo laga rumaan-gareeyay xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw, balse wuxuu ka gaabsaday sarkaalkaasi inuu sheego mudada rumaanka. Laakiin warar laga helay dhinaca Garsoorka ayaa sheegay inaanay arag iyadoo laga rumaan garaynayo maxkamadda Boqor Buur-madaw oo aan la horkeenin Maxkamadda, isla markaana aanay waxba kala socon rumaankaa. 
Hase yeeshee waraka qaar ayaa sheegay in rumaan shan todobaad ah Boqor Buurmadow looga jaray saaka Maxkamadda, iyadoo aan isaga la horgeyn maxkamadda, basle warqada rumaanka looga soo qaaday maxkamadda. Sidaana loogu gudbiyay xabsiga  dhexe ee Hargeysa.  waxaanay Maxkamaddu u jartay shan todobaad Afartan iyo laba  cisho oo Rumaan ah.
Talaabada xabsiga loogu dhaadhiciyay saaka Boqor Buur-madaw, ayaa la rumaysanyahay inay ka dhalatay canbaarayn kulul oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala kulantay xadhigiisa, taas oo kaga imanaysay xukuumadda gudaha iyo debedaba, iyadoo ay xadhigiisa ka hadleen Madaxdhaqameedka  Somaliland, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, basle dhawaaqyadii ugu danbeeyay oo kaga yimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo deegaanka uu Boqor Buur-madaw kasoo jeedo ee qoyskiisa ayaa ahaa dhaleecayn iyo hanjabaad kulul oo mudo u qabtay xukuumadda inay inay usoo celiso xoriyadiisa, haddii kalena ay masuul ka noqonay wixii ka yimaada.
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madow, ayaan  ilaa hada la ogayn denbiga loo haysto iyo eedaha uu galay, basle waxa keliya oo ay xukuumaddu qabashadiisa dhawr todobaad ka hor kaga jawaabtay waaran hore loogu jaray, iyadoo lala xidhiidhiyay xadhigiisa mid uu ku kasbaday xorriyadiisa iyo inuu cabiro rayigiisa, isagoo dhaleecayn kulul warbaahinta mudooyin hore u marariyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mudo yar ka dib markii ay hogaanka qabatay mid ay durba kooxo majara habaabiyeen oo ay ujeedooyinkooda gaarka ah uga leexiyeen hogaanka dalka ee Madaxweynaha Siilaanyo  inuu la yimaado maamulkii wanaagsanaa iyo cadaaladdii uu balanqaaday xiliggii kaanbeynka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *