Seylac(ANN)Xaaladda magalaada Saylac, ayaa kacsan, kadib markii maanta mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhacay halkaa ay sababeen dhimashada hal qof iyo toban qof oo kale oo dhaawacyo kasoo gaadheen rasaas ay ciidanka amaanku doonayeen

 

inay ku kala dareeriyaan dadkaa oo xalay ku waaberiistay dhismaha xarunta dawlada Hoose ee Saylac.

Dadka mudaharaadyay ayaa ka cabanayay natiijada doorashadii dhowaan dalka ka dhacday, taas oo muran ka abuurtay deegaanka Saylac.
Sida ay shebekada wararka u xaqiijiyeen dadka deegaanku, waxa rabshadahaa ku dhintay hal qof iyadoo dhaawacyo kala duwani soo gaadheen toban qof oo shicib ah, kuwaas oo saaka loo talaabiyay dhinaca dalka Djibouti.

Xaalada magaalada Saylac ayaa weli kacsan, waxayna arrinatani saamayn ku yeelatay gaadiidka isu socodka labada dal iyo ganacsiga magaalada Saylac.

Dhinaca kale dawlada Djibouti ayaa maanta xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ciidamada dalka Djibouti lasoo dhoobay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti. Xukuumadda Somaliland ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintaa oo mudooyinkiii u danbeeyay khilaaf ka taagnaa halkaa.
wixii kasoo kordha wararka Saylac kala soco shebekada araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *