Muqdisho(ANN)Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somalia Mudane Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in aanay jrin wax kale oo laga sugaa oo aan ahayn inay is casilaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Nabadsugidda iyo Taliyaha Laanta Dembi-Baadhista. kadib


markii sida uu shaaciyey qaab musuq-masuq ah looga sii daayey xabsiga nin sannadkii hore magaalada Muqdisho ku dilay shaqaale ajaaniib ah oo ka howlgelayey heyadda MSF..

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay shaqadii ka eryeen oo laga xayuubiyay derejooyinkii sadex garsoore oo lala xidhiidhay inay sii daayeen Ninkaa denbiilaha ahaa oo maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.  ka dib markii uu qirtay inuu dilay rag u kala dhashay dalalka Biljiuim iyo Indonesia oo ka mid ahaa shaqaalaha heyadda MSF.

“Ninkan isaga laftiisa waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha heyadda MSF, xarun ay ku leeyihiin Muqdisho ayuuna ku dhex dilay labadaas nin sanadkii hore, markii la xukumay racfaan ayuu qaatay markaa  kadibna si hoose ayaa loo sii daayey” ayuu yidhi  Ilka-Xanaf.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somalia, wuxuu sheegay in Ninkaa markii la sii daayey uu ka baxsaday dalka, illaa hadana aan la ogeyn halka uu joogo, isagoo xusay in baadhitaan ay sameeyeen ka dib ay ogaadeen in falka ninkaas lagu sii daayey ay ka dambeeyeen saddex ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda,  kuwaas oo uu sheegay inay ka xayuubiyeen darajooyinkii, isagoo aan sheegin in raggaas maxkamad lagu soo taagi doono arrintaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay siideynta ninkaa lagu xukumay denbiga ay ka qayb qaateen inuu baxsado oo lasii daayo  Hay’adda Nabadsugida Iyo Laanta Dembi-Baadhista,  kuwaas oo  sida uu xusay gabi ahaanba gabay hawlihii loo igmaday. kadib markii ay ka qayb ka qaateen sii deynta denbiilaha ninkan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Haddii aanay  askarta Nabadsugida ka siidayn siduu xabsga uga baxay,  waayo waa gacan ku dhiigle dilay dad u adeegayey rayidka taagta daran ee gudaha Soomaalya ku baa’ba’san” ayuu Ilka-Xanaf.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somalia Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf, wuxuu ugu baaqay Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Somalia,  Taliyaha Laanta Dembi-Baadhista Iyo weliba Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka haddii aynan si deg deg ah u keenin ninkaa inay waajib tahay inay iscasilaan oo aanay jirin wax kale oo laga sugaa masuuliyiintaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *