Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  qalinka ku duugay maanta xeerka Hay’adda sirdoonka qaranka oo muran u dhexeeyay xukuumadda iyo saxaafadda Somaliland ka taagnaa, kaas oo caqabad ku noqnaya

 

xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafada xorta ah. .

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa   Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan (Dhuxul), wuxuu Madaxweyne Siilaanyo maanta soo saaray digreeto uu ku dhaqangelinayo xeerkaa.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale xeerka Madaxweyne Siilaanyo qalinka ku duugay, ayaa muran ka taagnaa. kadib markii qodobo ka mid ah xeerkaa ay saxaafada Somaliland ka qaylisay, kaas oo lagu tilmaamay mid caqabad ku ah xoriyada saxaafada, balse aan waxba laga qaban cabashada saxaafada ee la xidhiidhay xeerkaa. iyadoo ay jireen hawlwadeeno ka socday warbaahinta oo naawilayay inay Madaxweynaha kala hadlaan xeerkaa, balse kulankaa ayaa dhicisoobay. kadib markii ay carqaladeeyeen hawlihii doorashada golayaasha deegaanka.

Xeerka ayaa mudadii ay Baarlamaanku gacanta ku hayeen si weyn looga qayliyay. kadib markii ay saxaafadu uga digtay golayaasha sharcidejinta inay ansixiyaan xeerkaa. laakiin ay xildhibaanada labada gole ka dhega adaygeen sidaana ku gudbiyeen dhamaadkii sanandkii hore 2012.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta si lama filaana qalinka ku duugay xeerkaa oo muran ka taagnaa, isla markaana aan  xal loo helin khilaafka ka taagnaa , kaas oo caqabad ku noqon doona xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafada Somaliland ee dastuurku u jideeyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *