Mandheera(ANN)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa markii u horaysay bilawday dhegeysiga  dacwad xaasaasi ah oo ku socota Nin Jarmal ah oo magaciisu yahay Mr. Gunter Bishop, kaas oo ku eedeeysan inuu ku kacay falal fawaaxish iyo dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay haween

 

Somaliland ah.
Tafaftiraha shebekadda wararka ee Araweelonews,  Carraale M. Jaamac  oo saaka ka qayb galay dhegeysiga dacwadaa ayaa warbixintan ka diyaariyay. “Subaxnimadii hore ayaan ka baxnay magaaladda Hargeysa, aniga  iyo Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) oo ah Tafaftiraha Wargeyska jamhuuriya,  waxayna ujeedada safarkayagu ahayd inaanu ka qaybgalo dhegeysiga dacwadaa, taas oo si weyn Bulshadu u sugaysay, isla markaana dhawr jeer dib u dhac ku yimi. Kadib markii dacwaddaa  oo la doonayay in laga bilaabo maxkmadda Hargeysa dabayaaqadii  Nov, 2010, ay suurta geli weyday  ee ay boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga magaalada Hargeysa buuxyeen duleedka iyo hareeraha maxkamadda gobolka, taas oo sababtay in loo wareejiyo dhinaca Mandheera oo uu ku yaal xabsiga ugu weyn dalka ee caanka ahi.
Magaalada Mandheera  oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxay dhinaca Barri ka xigtaa Hargeysa qiyaastii  80km, waxaana loo socdaa saacad iyo dheeraad. Markii aanu gaadhnay duleedka Dugsiga tababarka waxa halkaa nagu joojiyay ciidamada amaanka oo si weyn u feejignaa, kuwaas oo markii ay na aqoonsadeen nagu war geliyay inaan loo oggolayn saxaafada inay galaan xayndaabka dhismaha dugsiga, balse waxaanu ujeedada fariintaya u gudbinay  garsooraha maxkamadda oo gudaha ku jiray, wuxuuna aqbalay codsigayagii, isla markaana baadhis dheer ka dib oo qalabka oo dhan iyo xataa mobilada nalaga reebay waxa na horgalay sarkaal ka tirsan Bilayska oo na qaabilsiiyay Garsoore C/rashiid  Duraan oo  ka mid ah Garsoorayaasha maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Dhismaha Dugsiga ee dacwada loo qorsheeyay iyo hoolka hareerihiisaba waxa ka muuqday ciidamada amaanka oo gaaf wareegayay, waxaana halkaa ku sugnaa Saraakiil ka socotay xeer Ilaalinta gobolka Hargeysa,  Qareen Bashiir Xuseen Cabdi oo ah  qareenka ay Maxkamadu u qabatay inuu  eedaysane Gunter difaaco oo u doodo, turjubaankiisa  iyo dad kale oo loo ogolaaday inay dhegeystaan dacwada.
Barqadii ayaa dacwadu si toos ah uga bilaabantay mid ka mid ah  dhismayaasha Hoolalka waa weyn ee ku yaal xarunta Dugsiga tababarka, waxaana soo galay eedaysanaha koowaad Mr. Gunter iyo eedaysanaha labaad oo ah haweenay  lagu eedaynayay inay qayb weyn ka tahay kiiska. Iyadoo labadoodaba aanay ka muuqan wejiyadooda wax murugo iyo diif  ahi,  Waxaana la guda galay dhegeysiga dacwada oo si degan oo u bilaabantay.
Xeer Ilaaliyaha gobolka Hargeysa Yuusuf  C/llaahi Kaahin (san-jeex) iyo sarkaalka la socday  ayaa garsoore Garsoore C/rashiir Duraan ku wargeliyay inay maxkamadda horteeda ka sheegaan eedayamaha ay hayaan, waxayna ku eedeeyeen Mr. Gunter  Qodobada 405XCG, dhilaysi, 407XCG, dhiiri gelin dhilaysi, 426 XCG dhilaysi xaasle, 403 XCG oo ah faafin dhaqan xumo sawiro iyo ka ganacsi muuqaalo sawro fawaaxish ah.
Garsooraha maxkamadda  ayaa weydiiyay eedaysanaha koowaad Mr. Gunter iyo haweenayda la eedaysan inay qabaan waxaa lagu eedaynayo, in aanay qabin iyo inay dood ka leeyihiin, waxayna labaduba maxkamadda horteeda ka sheegeen in aanay qabin waxa lagu eedaynayo, waxaana markaa ka dib loo gudbay inay xeer ilaalinta oo muduci ahi keento markhaatiyo, halkaas oo saddex markhaati la hor keenay maxkamadda, kuwaas oo maxkmadda horteeda mid mid uga sheegay markii la dhaariyay ka dib wixii ay ka ogaayeen kiiskaa oo ay si faah-faahsan  u sharaxeen, isla markaana waxa markhaatiyada weheliyay  dukumentiyo muuqaalo sawiro fawaaxish ah oo ka mid ah waxyaabaha lagu eedaynayo Mr. Gunter iyo haweenaydaa. Iyadoo qareenka u doodaya eedaysane Gunter uu markhaatiyada weydiinayay Su,aalo la xidhiidha waxyaabaha ay ka markhaati furayeen.
Mid ka mid ah markhaatiyada ayaa dadweynaha dhegeysanayay kiiska shucuurtooda dhaqaajiyay. Kadib markii uu maxkamadda horteeda ka sheegay inay haweenayda eedaysanaha labaad ee ku lamaan ninkaa jarmalka ah ee Gunter ay ahayd xaaskiisii, isla markaana markii uu ka dacwooday fara gelinta uu reerkiisa ku sameeyay Ninkaasu isaga la xidhay, balse mudo ka dib labadoodaba xabsiga loo taxaabay, isagoo weli xidhan, markaa kadibna la sii daayay isaga, kaas oo noqday markhaatiga koobaad ee kiiska.
Hase yeeshee Dhegeysiga dacwada oo si degan u socotay  ayaa qaadatay dhawr saacadood,  waxaana  lasoo afjaray wax yar ka hor salaadii duhur, balse lama sheegin waqtiga danbe ee dhegeysiga dacwada la mudeeyay, taas oo laga sugayo dhinaca maxkmadda gobolka  Hargeysa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *