Hargeysa(ANN)Qaar ka mid ah Madaxda  Sagaal Urur siyaasadeed oo ka hadhay  15 Urur oo gudida diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabtu shalay soo saareen liiska lagu kala reebay, ayaa jawaabo cadho leh ka bixiyay natiijada gudidaa. Horjoogayaasha Sagaalka Urur ee gudidu sheegeen

shalay inay kusoo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa, ayaa shir jar’aaid oo ay wadajir ugu qabteen maanta magaalada Hargeysa ku sheegay in aanay aqbalayn natiijadaa oo ay ku tilmaameen mid cadaalad-daro ah, iyagoo dhinaca kalena sheegay inay maalinta beri ah 22 April 2012, mudaharaad lagaga soo horjeedo go’aankaa gudida ku qabanayaan beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Ururada ku baaqay mudaharaadka ee ka hadlay madashaa waxa ka mid ahaa Gudoomiyihii UDHIS Ibraahimm Dhagaweyene iyo sidoo kale  Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka Gurmad Nuur Faarax Xirsi,   Guddoomiyhah Ururka NDB Foosiya Yuusuf  Xaji Adam,   Professor Cabdi Salaam Yaasiin oo ka mid ah ururka Horyaal, waxayna dhamaantood sheegeen inay  mudaharaadyada ay ku baaqeen soconayaan sadex maalmood.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Badbaado Sheekh  Maxamed  Cali Geeddi oo ka mid ah Ururada gudidu sheegeen inay buuxinwaayeen shuruudihii Ururnimo ayaa isagu sheegay inay kasoo horjeedaan baaqa Ururada kale ee ay ku iclaamiyeen mudaharaadka, isagoo dhinaca kalena sheegay inaany ku qanacsanayn go’aanka gudida  Ururada Ururadu ku sheegeen inuu hadhay Ururkooda Badbaado.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *