AAnkara protestres2nkara(Araweelo News Network)Dawlada Turkiga ayaa la tacaalaysa Kumanaan shacab Turki ah ayaa maalintii shanaad mudaaharaadyo waaweyn

 

ka wada inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo weli ka socda Ankara iyo Istanbuul.

Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa sheegaya in dad ka badan 15-kun oo qof ay maanta isugusoo baxeen magaalada Ankara ee caasimadda ah, iyadoo Mudaharaadyadu ka bilaabmeen barxada Istanbuul oo dad ganacsato ah la siiyay, taas oo ka cadhaysiiyay dadka, balse waxay hada mudaharaadyadu isu bedeleen weji siyaasadeed, waxayna kumanaan qof oo isugu soo baxay Fagaarayaasha loo yaqaan Taksim Square maalintii Isniintii  iyo Istanbuul Square, kuwaas doonayay  in ay xoog ku galeen dhismayaasha xukuumadda iyo xarunta Booliska.

Laakiin booliska ayaa la tacaalaya, iyadoo loo adeegsaday Biyaha Xoogga badan iyo Rasaasta sunta qiiqa indhaha ka ilamaysiisa, waxaana marar badan dadka laga baaciyay afaafka hore ee Xafiiska Raysal wasaaraha.

Raysal waasare Rajeb Dayib Ordugaan ayaa ugu baaqay dadka inay is dejiyaan oo joojiyaan rabshadaha, balse mudaharaadayaasha ayaa ka dhega adaygay dhawaaqa Raysal wasaare Dayib.

Sidoo kale Mudaaharaadyadu waxay maanta oo sabti ah si xowlli ah uga socdaan magaalada Azmiit oo ah magaalo taariikhi ah,  islamarkaana dacalka ku heysa Badda Ejah,  halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ay isugusoo bexeen dad aan ka yareyn 20-kun oo qof.

Mudaharaadka oo si yar u bilaabmay markii hore Isniintii todobaadkan ay dadku cadho kaga jawaabeen dhul fagaare ah oo la siiyay ganacsato, waxay hada u muuqdaan kuwo sii xoogaysanaya oo Axsaabta siyaasadu ku lug yeesheen, waxaana qayb ka ah  Ururada bulshada Rayidka Turkiga, kuwaas oo  ku doodaya  in xukuumadda uu madaxda ka yahay Ordogaan ay ku kacday musuq- maasuq,  islamarkaana ay dadka ku mashquulinayso mashaariic aan faa’iida u laheyn dadka Turkiga.

Dhinaca kale waxa soo baxaya baaqyo caalami ah oo lagu canbaaraynayo xukuumadda Anakara, iyadoo Hay’adda Caalamiga ah ee Imnesty International ugu baaqday xukuumadda Ankara in aan awood loo adeegsan dadka shacabka ah ee mudaharaadaya.

Mudahaardyada dalka Turkiga ayaa kusoo beegmay iyadoo Xukuumadda Ankara dhowaan soo geba-gebaysay heshiis ay la gashay gobonimadoonka mudada dheer dagaalka kula jiray dawlada Turkiga ee loo yaqaan PKK.

Sidoo kale kacdoonada ka socda Turkiga ayaa kusoo beegmay, iyadoo dalka Turkigu waqtigan doonayay inuu ka mid noqdo dalalka awooda badan ee dunida wax laga weydiiyo, isagoo tobankii sanandood  ee u danbeeyay dhaqaale ahaan iyo Milateri ahaan si weyn ugu kocbay, balse waxa laga cabsi qabaa in kacdoonada ka socda dalka Turkigu noqdaan kuwo horseed u noqda dagaalo iyo bur-bur, maadaaama dagaalada ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya sidan oo kale ay kacdoono ku bilaabmay isu bedeleen dagaalo mudo laba sandood ah socday, kuwaas oo hada u muuqda kuwo ku fidaya mandaqada.

Dhinaca kale dawlada Suriya ayaa ka hadashay Mudaharaadyada ka socda Turkiga, waxayna ku tilmaameen kuwo xidhiidh la leh kacdoonada ka socda dalkooda, iyagoo ugu baaqay dawlada Turkiga in aanay shacbigeeda layn.

Wakaalada wararka ee Suriya ayaa sheegtay in ilaa 1,000 qof ku dhaawacmeen mudaharaadyada ka socda Turkiga, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay sheegeen inay ku waayeen indhohoodii, kadib markii suntan qiiqa loo isticmaalay. Sidoo kale waxay sheegtay wakaalada wararka ee Suriya in warbaahinta Turkigu ay qarinay xaqiiqda kacdoonada ka socda halkaa.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *