Qaybtan waxaynu kusoo qaadanaynaa nooca  Afraad ee heshiisyada oo ah (Service Contract ), kaas oo dhexmara shirakad, ama shaqsiyaad iyo

Xukuumadda,  isla markaana mararka qaar  loogu yeedho Technical Service Agreement, wuxuuna inta badan noqdaa mid heshiis lagu yahay in shirkaddu dhinaca farsamada iyo adeega wax soo saarka shidaalka,  ama khayraadka kale ee lagula heshiiyay ku koobnaato.

Hase yeeshee waxa khuburada dhinaca heshiisyadda khayraadka dabiiciga ahi ku tilmaamayaan nooca heshiiskaa inuu dhibaatooyinkiisa leeyahay, iyagoo ka digaya khiyaamooyin ka dhalan kara haddii aanay jirin khibrad uu dalkaasi u leeyahay dhinaca heshiisyada Caalamiga ah iyo soo saarista Kahayraadka dabiiciga ah.

Waxayna ku talinayaan in wadanka doonaya inuu lasoo baxo kahyraadkiisa si uu uga badbaado mushkilado iyo dhibaatooyin kaga yimaada shirkaddaha iyo dilaaliinta wareegaya dunida ee inta badan ka yimaada dalalka hore u maray inay sameeyaan marka hore dalalka kahyraadkoodu dihinyahay shuruuc adag oo lagu xadidiyo qaabka loo maamulayo khayraadka dalka iyo sidoo kale aqoonayahano  iyo sharci yaqaano maamula hawlahaa heshiisyada caalamiga ah, kuwaas oo ka taxadiraya dhibaatooyin iyo mushkilado ka dhasha heshiisyada la doonayo in lagu soo saaro shidaalka iyo khayraadka dalkaa.

Hadaba xukuumadda Somaliland afarta nooc ee heshiisyadaa midkee ayay la gashay shirkaddaha ay dhowaan sheegatay inay soo saarayaan shidaal. Sidoo kale heshiisyada lala galay ma yihiin kuwo la mariyay nidaamka sharciga iyo dastuurka dalka mise waa kuwo qol madaw lala galay, maxay khasaare iyo faa’ido u keeni karaan dalka iyo dadka, ama deebacada iyo Bay’adda deegaanka ka bedeli karaan.

Qaabkee ayay u bibaabmeen heshiisyadu shidaalka Somaliland, baaxadda dhulka loo qoondeeyay mid walba iyo qaabka loogu kala macaashay qandaraasyada la bixiyay ,  shirkaddaha la siiyay iyo inta jeer ee ay iibiyeen saami.

Dhamaan  arrimahaa iyo kuwo kale waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa qormooyinkeena danbe.

La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com

www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *