Dhawaaqa Tartanka CiyaarahaHargeysa(Araweelo News Network) Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday isku aadka kooxaha ee ciyaaraha Gobolada Somaliland oo la filayo inay

maalinta berrito ee Axadda si rasmi ah uga bilaabmaanCaasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Shir jaraa’id ay maanta si wada jir ah u qabteen Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Mustafe Maxamuud Qodax iyo gudida qabanqaabada ee tartanka Ciyaaraha gobolada Somaliland waxa ay ku  shaaciyeen qaabka shaxda  ay kooxuhu u ciyaarayaan wareegga hore,  iyadoo sadex Group laga dhigay tartanka kubadda cagta, halka tartanka kubadda kolayga-na laga dhigay labo group.

Dhanka kubadda cagta ayaa waxaa kooxaha loo qaybiyey sadex Group oo kala ah

Group A

Maroodijeex, Buuhoodle, Saraar, Sanaag, iyo Salal.
Group B
Hawd, Badhan, Saaxil iyo daad madheedh.

Group C

Sool, Awdal, Gebiley iyo Togdheer.

Dhanka tartanka kubadda kolayga oo loo qaybiyey labo group ayaa waxaa Group A oo ka kooban sadex kooxood ku wada jira Gobolada kala ah, Maroodijeex, Hawd iyo Sanaag.

Halka Gropup B oo ka kooban Afar gobol ay ku wada jiraan Kooxaha Awdal, Gebiley, Saaxil iyo Togdheer.

 

Dhinaca ku dhawaaqista Tartanka Ciyaaraha iyo sida ay Kooxaha loo qaybiyay isugu aadayaan, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbaysay Magaalada Hargeysa ee Caasimada ah laga dareemayay dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo oo xamaasadaysan, waxayna Bulshadu si weyn u naawilayaan tartanka Ciyaaraha oo sanadkan oo ay ku cusub yihiin Kooxaha ka socda Buuhoodle, Badhan, Selel iyo Daad-madheedh.

Tartanka Ciyaraaha ayaa ka dhacaya Garoonka weyn ee Kubada Cagta ee Hargeysa Staduan, kaas oo shirkaddaha Dahabshiil Group ku sameeyeen dib u habayn iyo qurxin dhaqaale badan la geliyay oo muuqaalka garoonka u ekeysiiyay mid caalami ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *