breaking News arraweelo,comHargeysa(Araweelo News Network) Mudaharaad xisbiga mucaaradka ee UCID hore ugu baaqeen oo loo balansanaa maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee

 

Aadamaha 10 Dec  2013, ayaa dhicisoobay, iyadoo ay xukuumadda Somaliland ciidaamo Boolis ah dhigtay saaka subaxnimadii hore agagaarka xarunta Xisbiga UCID ee xaafada Shacabka.

Madaxda sare ee xisbiga UCID oo ku sugnaa saaka xarunta xisbigooda ayaa muran dhexamaray saraakiisha Ciidamada Booliska, balse ciidamada ayaa saraakiisha ayaa isakaga tegey goobta, waxaana halkaa qudabado uga jeediyay dad aan sidaa u badnayn oo xarunta soo gaadhay, masuuliyiinta xisbga UCID, iyadoo xubnaha ka hadlay halkaa ay ka mid ahaayeen Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale, kuwaas oo wada qudbado ay halkaa ka jeedinayaan.

Dhinaca kale ka sokow ciidamada la geeyay wadooyinka ka og dhow xarunta xisbiga UCID, waxa dugsiyada ku dhow xarunta Ardayda wax ka dhigata la hadashay Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabi Aadan oo u sheegtay in aanay Ardaydu ka qaybqaadan wax ay ku tilmaantay fawdo ay wadaan xisbiga UCID, iyadoo ka codsatay Ardayda dugsiyadaa in ay marka ay rawaxaan xaafadahooda tagaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *