Hargeysa(ANN) Fadhigii gollaha wakiilada ee maanta oo ay koox  ka mid ah mudanayaashu ku doonayeen in golluhu ku guda galo mooshinka maalmihii u danbeeyay muranka iyo khilaafka xaasaasiga ahi ka dhashay ee la doonayay in wax lagaga bedelo xeer hoosaadka gollaha, gaar

 ahaan qodobka sheegaya tirada loo baahanyahay marka shirgudoonka xilka laga qaadayo ayaa dhicisoobay. Kadib markii ay saaka si weyn wax isaga bedeleen  jawigii la filayay inuu fadhigu yeelanayo.
Gudoomiye  xigeenka koowaad ee gollaha C/casiis Samaale oo shalay dalka yimi, gudoomiye xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax  iyo xildhibaano aad u tira yar ayaa yimi madasha, kuwaas oo si habaqle ah u socday. Sidoo kale Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland iyo ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugnaa madasha,  balse mudanayaashii watay mooshinka miiska saaran oo sheeganayay inay gaadhayaan dhawr iyo konton ayaan madasha kasoo xaadirin, marka laga reebo dhawr xildhibaan oo gudaha soo galay iyo dhawr xubnood oo iyagu wareegayay debeda, taas oo keentay inay xaalada iyo jawigii la filayay wax badani iska bedelaan, isla markaana dib u dhac sacado qaatay ku yimi furitaankii fadhigii saaka.
Gudoomiye xigeenka koowaad C/casiis Samaale oo fadhiga madasha laga hago fadhiyay, isla markaana uu weheliyo xubinta sadexaad ee ku xigeenka gudoomiyaha labaad oo isagu maalmihii u danbeeyay ee xiisadu ka taagnayd gollaha hagayay ayaa muujiyay dareen kalsooni badan iyo jawi hanjabaadeed ka hor intii aanu gollaha furin, “Lama furayo fadhiga  ilaa ay  soo galaan Nimanka wareegaya debedu.” Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka koowaad C/casiis oo fadhiga gudoominayay, balse in yar ka dib markii la furay gollaha. Laakiin aanay madasha ka muuqan kooxdii mooshinka wadatay, marka laga reebo dhawr xubnood, waxa mikirifoonka lagu soo dhoweeyay Xaaji C/kariim Xuseen Cabdi Waraabe oo ka mid ah Odayaasha guurtida, balse u yimi si uu xaalada u dejiyo, wuxuuna isagoo la hadlaya mudanayaasha yidhi, “Walaalayaal waxa aanu jecelnahay in aydaan noqonin caruur geel la joogta, waxa aanu doonaynaa inaad noqotaan dad  si wanaagsan u  wada shaqeeya oo  fiican. Ha noqonina baarlamaankii Somalia ee isku laayay qarsoodi ha lagu codeeyo iyo fartaag ha lagu codeeyo” ayuu yidhi.
Xaaji Cabdi Waraabe, waxa uu sheegay in aan loo baahnayn waqtigan in la abuuro xaalad, isagoo  yidhi, “Waar Madaxweynaha aan salka dhigin waxa horyaala laba mooshin oo mid saddexaad ma qaadi karo. Mooshinkii mudo kordhinta golayaasha ayaa horyaal, mooshinkii mushahar kordhintaa ka daba geyseen, hadana mid saddexaad ha ka daba geynina.” 
Guddoomiye xigeenka koowaad C/casiis Samaale oo fadhiga gudoominayay  ayaa lagu war geliyay fariin ka timi mudanayaasha aan intooda badani kasoo xaadirin madasha ee mooshinka xaasaasiga ah watay, taas oo ahayd inay dib u dhigeen oo hakiyeen mooshinkii, wuxuuna ku sheegay  inay ka qurux badnaan lahayd in la arko oo ay fadhiga ka soo xaadiraan mudanayaashaa mooshinka watay, balse mar haddii ay  soo jeediyeen in dib loogu dhigo mooshinkaa ay tahay iyada lafteedu fursad oo ay aqbaleen shirgudoon ahaan iyo golle ahaanba.
Xildhibaan Maxamuud Cali Dable oo ka mid ah mudanayaashii iyagu soo dhigay mooshinka wax lagaga bedelayo xeer hoosaadka golaha ayaa tilmaamay inay codsadeen in dib loogu dhigo, balse waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin buuxda ka bixiyo bal  inay  sidaa  kaga hadheen mooshinkaa  iyo in kale.
Sidoo  kale Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa oo ka mid ah mudanayaasha wakiilada ee kasoo horjeeday mooshinka ayaa tilmaamay inay  arrin fiican tahay in murankii soo kala dhex galay mudanayaashu uu joogsaday, balse waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in wajiyada xildhibaanadii moshinkaa soo jeediyay aanay ka muuqanin fadhigan.
Dhinaca kale warar kale ayaa xaqiijayay inay kooxda mudanayaasha ee mooshinka wadatay xalay kulan gaara la yeesheen madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo waqtigana ah ku simaha Madaxweynaha, waxayna wararka xoggaha kulankaa kasoo baxay sheegeen inuu ka codsaday kooxdaa inay ugu yaraan hakiyaan mooshinkaa inta uu Madaxweyne Siilaanyo kusoo laabanayo dalka. sidaana ay ku aqbaleen, taas oo ahayd sababta saaka jawagii iyo shucuurtii laga filayay kulanka gollaha loo waayay, isla markaana ay kooxdii mooshinka wadatay intooda badani u iman waayeen madasha.
Si kastaba ha ahaatee kooxda mudanayaasha ah ee mooshinkaa wata ayaa u muuqda kuwo ay adag tahay inay ka tanaasulaan mawqifkooda, balse  muujinaya debecsanaan iyo inay is dhaafiyaan marxaladan si ay fursad ugu helaan meel marinta mooshinkaa. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *