warHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xilkii ka qaaday badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),  isla markaana masuul cusub u magcaabay gobolka Saaxil.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu magacaabay  Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa caweyskii kasoo baxay qasriga Madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland  Axmed Saleebaan Dhuxul.
War saxaafadeedka ayaa u dhinaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray waxa uu ku magacabay labada badhasaab ee Gobolada maroodi-jeex iyo saaxil, waxaanu sidoo kale digreetadaasi uu xilkii kaga qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku Qancay: Aqoontooda, Kartidooda iyo hufnaantooda shaqo;

Wuxuu go’aansaday:-

1. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL KA-QAADIS

Mudane,Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in xilkaa aad ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Cilmi oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.

Waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.”

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *