Djibouti (ANN)- Isbahaysiga Mucaaridka Djibouti  ee loosoo gaabiyo (UAD), ayaa ku dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn oo ay todobaadkan gudihiisa ka dhigayaan  caasimado dunida ah, kuwaas oo lagaga soo horjeedo Taliska Digtaytarka ah ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo tacida uu ku hayo

 

bulshada Djibouti.
Mucaaridku waxay sheegeen in isu soo baxyadaa lagu qabanyo magaallooyinka caasimadaha ee Bruxelles,Paris, Ottawa iyo caasimadda Djibouti, kuwaas oo loogu baroordiiqayo dhammaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Qraal saxaafadeed ku qoran luuqadaha Ingiriisiga iyo Faransiiska oo ka soo baxay Hoggaanka ururka UAD, isla markaana uu ku saxeexanyahay Afhayeenka urukaa Mr.  Axmed Rayaale, ayaa lagu sheegay in 18, Decemebre, 2011 loo aqoonsaday Maalinta Qaranka Dhibanayaasha Djibouti (NATIONAL DAY OF ALL VICTIMS DJIBOUTI), iyadoo lagu soo bandhigi doono diiwaangelinta dhammaan dadka xukuumadda Madaxweyne Geelle tacadiyadda kala duwan u geysatay. “18, December, 2011 waxa lagu dhawaaqay in loo aqoonsado Maalinta Qaranka dhammaan Dhibbanayaasha Djibouti, iyadoo laysu keeni doono dhammaan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay xukuumaddda Keli-taliska. Dhibbanayaasha xasuuqii Arxiba waxay kala kulmeen jidh-dil iyo wax bini’aadanimmada ka baxsan iyo dilka amma waayitaanka hogaamiyayaal mucaaridah Djibouti ah tan iyo intii Djouti madaxtinimada qaadatay illaa maanta.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.

Mucaaridka UAD waxay sheegeen in xubnaha hoggaanka ururku ay dadka ku wacyigelin doonaan ka qaybgalka xuskan baroordiiqda ah ee uu ku baaqay, “UAD waxay u bixi doonaan magaallooyinka si ay dadka ugu dhiirigeliyaan inay dariiqyada isugu soo baxaan oo ay ka qaybqaataan xuska maalinta taariikhiga ah, taas oo ay waajib tahay xuska iyo isku xidhnaanta dhammaan shacabka Djibouti oo loogu baaqayo inay ka soo qaybgalaan.”
Qoraalkaa waxa lagu sheegay in go’aanka xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ciidammada ugu dirayso Somalia yahay mid lagu farogeliyay madaxbannaanida dalka Somalia, “Sida aanu xogta ku hayno ciidammada Somalia loo dirayo, Fikirka qaranka Djibouti kuma midaysna, kaasoo ciidammadayada lagu gelinayo qorshe is-miidaamin ah, oo xataa aanay ogayn sababta loo geynayo, anagoo taas tixgelinayna waxaannu si cad u sheegaynaa inay tahay farogelin arrimaha gudaha qaranka Somalia iyo shacabkooda.”ayaa lagu yidhi
War-saxaaafadeedkaas ka soo baxay mucaaridka waxa kale, oo lagaga dayriyay xaaladda duruufo adag oo haysta dadka reer Djibouti, gaar ahaan addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sida caafimaadka, biyaha iyo laydhka.
Masuuliyiinta  Ururka isbahaysiga mucaaridka Djibouti ee loo soo gaabiyo  UAD soo saareen magacyo iyo telefoono lagala xidhiidhi karo qabanqaabiyayaasha xuska baroordiiqdaa ay sheegeen inay ku sugan gudaha Djibouti waxayna magacyada iyo telefoonada laga xidhiidhi karaa yihiin sidan;-
Cismacil Geedi Xareed Tel 00 253 82 99 99
Farah Abadid Hildid    Tel 00 253 61 24 52
Huseen Robe  Dhabar Tel 00253 88 99 21

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *