IMG_2028Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha urur siyaasadeedka la baxay  Ummadda Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), oo ah wasiirkii ugu horeeyay arrimaha gudaha ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse iska casilay xilkaa dhawr bilood ka hor, isla markaana ku dhawaaqay Urur siyaasadeedka

 

la baxay UMMADA,  ayaa sheegay inuu rajaynayo inay doorashada Goleyaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan April 2012. ay noqdaan  kuwo  isbedel keena.
Dr. Gaboose Guddoomiyaha  Urur Siyaasadeedka Ummadda oo caawa xaflad si weyn loo agaasimay ugu qabtay Huteelka  Kaah ee bariga magaalada Hargeysa  boqolaal ka mid ah dhahlinayarada  Jaamacaddaha dalka, wuxuu usoo jeediyay dhalinyarada inay noqdaan qaar la tartama caalamka, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Waxaan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idinka dhigo kuwii dalkan u kaca oo la tartama facooda, gaadhsiiyana meel ay ku faanaan. Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo dal walba Illaahay baa ku beera ummad, waxaana xil ka saaran yahay inay camiraan dalkooda. ilma Nabi Aadan qaar baa sharaf iyo karaamo dhulka dushiisa ku nool oo hawaysanaya inay xidigaha sahan ugu tagaan sidii ay uga degi lahaayeen, qaarna quutal daruurigii yoomiga ahaa ayey la’yihiin, binu’aadamku.” Ayuu yidhi Dr. Gaboose.

 

DSC09485
wuxuuna ka waramay in dhibaatadda haysta Dhalinyaradda, isagoo tusaale usoo qaatay Tariibta iyo shaqo la’aanta waxana uu yidhi “dhibaata ayaa haysta dhalinyaraddeena, taas oo ay ka mid tahay waalidkii ku soio tabacay dhalintyaraddan ayaa ubadkoodii Shaqo la’aan Tahriib iyo isla hadal qaarkood dalalka ku lumiyaan, Bani aadamku meel uu ka xumaado waxa ugu xun garaadka, shaqadii way taalaa, xoolihii way yaalaan, biyihii way yaalaan, waxaan ILAAHAY ka baryayaa in uu ina garansiiyo ayuu yidhi. Dr. Gaboose.
Mar uu ka hadlayay dhibaatooyinka dhinaca wadooyinka wuxuu yidhi, “Anigan idin la hadlayaa oo Wasiirkii ugu cuslaa Dawladdan inta aan hog ku kufay oo gaadhigu ila dhacay ayaan ku sigtay in aan ku dhinto”
“Dawladaha Hoose waad ogtihiin magaalo walba iyaga ayaa ka mas’uul ah bilicdeeda, nolosheeda. waxaan idiin sheegayaa doorashadan sharcigu waxa uu qorayaa maanta markay qabsoonto 10 sanno ka dib ayaa mar kale doorashadan la galayaa, waxa aad qiyaastaan 10 sano oo uu maamulku idinka xumaado, waxa idin haysan doona, waxaan Ilaahay ka baryayaa in doorashadani in isbeddel la taaban karo ay keento, cida keeni kartaana waa idinka,”ayuu yidhi Dr, Gaboose.

DSC09473
Sidoo kale Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Ururka Umadda Iid Muuse oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ururka ummadu mudnaanta kowaad siin doono ardayda Jaamacadaha, haddii ururkoodu doorashooyinka  golayaasha  deegaanka ku soo baxo.
“Waxaan ka mid ahay dhallinyarada, waxaanan dhallinyarada la wadaagaa dhibka haysta, hadday tahay shaqo la’aanta, hadday tahay dhibaatooyinka tahriibta intaba waan kala mid ahay.
Sidaa daraadeed, hadaynu ka hadlayno dhallinyarada waxaan jecelahay in aan tilmaamo inay dhallinyaradu tahay xoogga dalka, oo uu wadan waliba ku xisabtamo, loona baahan yahay in dhibaatadooda laga damqado. Waxa hadheeyay dhallinyarada dhibaato aad u fara badan oo ay ka mid tahay shaqo la’aan baahday. Waxaynu haddaba u baahan nahay daraasado faro badan oo lagu sameeyo sidii xal looga gaadhi lahaa mushkiladaha dhallinyarada haysta,”ayuu yidhi Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee Ururka Ummadda.

DSC09463
Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee ururka ummadda Eng. C/rashiid Maxamuud Cali, oo ka mid ahaa dadkii ka  hadlay madashaa ayaa sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo uga mahad celinayo go’aanka dhalinyarada lagaga hor qaaday dabarkii ka haystay ka qeyb galka siyaasadda, kaas  oo ahaa da’da la iskugu soo sharixi karo Goleyaasha qaranka, isagoo arrintaa  ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Waxaan idinku soo dhowaynayaa hoyga aqoonta, horumarka iyo nabada oo ah ururka ummadda, waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland iyo Goleyaasha baarlamaanka, waxaan ugu mahadnaqayaa fursada qaaliga ah ee ay u ogolaadeen dhallinyarada inay ka qaybgalaan siyaasadda dalka, waxaanu leeyahay waa guul dhallinyarada u soo hoyatay, qarankana u soo hoyatay, ururkani waxa uu diyaar u yahay oo uu dhallinyarada u wadaa inay noqdaan maamulka ururkaasi.” Ayuu yidhi C/rashiiid.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *