Nairobi (ANN)Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay duqaymo dhinaca cirka ah ku qaadayaan magaalooyin ku yaala gudaha Somalia, gaar ahaan duleedka Caasimada Muqdisho ee Af-gooye iyo meelo kale oo ah magaalooyonka dekedddaha leh ee Somalia. Weeraradaa dhinaca cirka ah ee

 

Kenya ku qaadayso
magaalooyin baddan oo Somalia ah, waxay ku sheegtay ujeedadiisa mid lagu doonayo in xarakadda Al-shabaab ee ka dagaalnta Somalia lagu wiiqayo. Sidaana waxa shaaca ka qaaday Afhayeen u hadlay ciidanka militeriga ee Kenya oo lagu magcaabo  Colonel Cyrus Oguna, kaas oo sheegay in meelaha sida gaarka ah ay u weerarayaan ay ku jirto magaalada  Afgooye. Afhayeenka Kenya waxa uu uga digay dadka rayidka ah inay ka fogaadaan meelaha ay al-Shabaab ka hawlgalaan, taas oo ujeedadeedu tahay  inay duqeeyaan goobahaa.
somalimemo.net
Magaalada Afgooye oo u dhaw magaalada caasimadda Muqdisho, ayaa  noqotay meelaha ay dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho ee qoxootiga ahi ku sugan yihiin, kuwaas oo la ildaran dhibaatooyin macaluul iyo gaajo, isla markaana aanay weli xaalada waxba ka bedelin gurmadkii beesha Caalamka ee bilihii ina dhaafay u fidiyeen Koonfurta Somalia. waxayna digniinta Milateriga Kenya kusoo beegantay xili muran weyni ka  dhex taaganyahay Baaralamaanka Somalia oo marka horeba magac u yaal ahaa, iyadoo sidoo kalena aanay jirin dawlad awood leh oo ka jirta Somalia.
Tan iyo markii Kenya ay weerarka ku qaaday al-Shabaab laba bilood ka hor, dayaaradaha dagaalka ee Kenya waxa ay garaaceen goobo la sheegay inay al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo, balse inta baddan goobahaa ayaa noqda kuwo aanay Al-shabaab degaynayn, iyadoo ay duqaymahaa waxyeelo kasoo gaadho dad shacab ah oo ku barakacay deegaamadaa.
Sidoo kale mudooyinkii u danbeeyay Ciidanka Kenya oo  koonfurta Soomaaliya ka jooga saddex goobood, waxay weeraro dhexmareen xarakada Al-shabaab, kuwaas oo labada dhinacba sheegtaan guulo. laakiin wax horumar weyn kama sameyn ciidanka Milateriga kenya tan iyo markii halkaa la geeyay badhtamihii bishii Oktoobar. Waxayna Al-shabaab dagaalkii ugu danbeeyay ee dhexmara ciidamada Kenya ku sheegteen guulo waaweyn iyo hub ay ka qabsadeen oo ay kusoo bandhigeen shebekadaha taageera.
somalimemo.net
Dhinaca kale Dawlada Ethiopia ayaa dhowaan iyaduna sheegtay inay weeraro dhinaca dhulka iyo cirka ku qaadayso Somalia, kuwaas oo ay sheegeen inay ku qaadayaan meelaha Al-shabaab ka taliso, iyagoo fadhiisimo milateri ka samaystay gudaha Somalia, waxa   mudooyinkaa soo baxay qayladhaan ka imanaysay  dublamaasiyiin ka tirsan dalalka midawga Afrika, Maraykanka iyo meelo kale, kuwaas oo ku baaqaya inay faragelinta Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee Somalia ay horseedi karto dagaalo ku faafa mandaqada, iyadoo maraykanku si gaara farta ugu fiiqay talaabada dawladda Ethiopia  ku gasho Somalia mid aan loo baahnayn waqtigan oo abuuri karta xasarad iyo dagaalo hor leh, iyadoo sidoo kalena wadamada xubnaha ka ah Midawga afrika ka biyo diideen qorshahaa, balse Maraykanku kama gacan madhna dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxayna diyaaradaha maraykanka ee is wadaa maalin walba duqaymo ku sameeyaan deegaanada Koonfurta Somalia, hawlgaladaa oo ay inta badan khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi kasoo gaadhaan dad maato ah oo aan waxba galabsan.
Si kastaba ha ahaatee weerarada dhinaca Cirka ee Milateriga Kenya iyo hawlgalo ciidamada Ethiopia ka fuliyaan Somaliam, waxay u muuqataa mid xaalada sii murginaysa, isla markaana taageero siinaysa Al-shabaab.
somalimemo.net
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *