musebixi1
Hargeysa(Araweelo News Network)Kulan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ku lahaayeen saaka Madaxtooyadda ayaa lagu kala cadhooday kadib

 

markii laysku afgaranwaayay qorshe uu soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa in maalinta Beri la qabto shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga, taas oo Gudoomiye Muuse Biixi ku gacansaydhay.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo hogaanka xisbiga Kulmiye oo la xidhiidha kulankaa, balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews heshay waxa Gudoomiye Muuse Biixi ku tegey qasriga Madaxtooyadda balan uu la lahaa Madaxweynaha.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan tibaaxaha iyo xoggaha hordhaca ah ee laga helay kulankaa Gduoomiye Muuse Biixi oo ku socda balantii Madaxweynaha, waxa uu xafiiska Madaxweynaha ugu tegey sadex xubnood oo ka mid ah hogaanka xisbiga oo xiligaa ku sugnaa xafiiska Madaxweynaha, kuwaas oo kala ahaa Gudoomiye Xigeenada xisbiga Xildhiban Wabeeyo, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid.
Gudoomiye Muuse oo sida ay xogahaasi sheegayaan markii uu la kulmay Madaxweynaha uu ku wargeliyay in shirkii golaha dhexe la qabto, balse wax ka dhashay kulankaa khilaaf. Kadib markii ay is af dhaafeen Gudoomiye Muuse Biixi iyo Xildhibaan waabeeyo, iyadoo Gudoomiyuhu ku dooday in aan shirkii golaha dhexe la qaban Karin ilaa la saxo khaladaad uu sheegay in ay jiraan oo lisaaska ku jira.
Sidoo Gudoomiye Muuse Biixi oo filayay in ay Madaxweynaha gaar u kulmi doonaan ayaa ka booday xubnaha ku sii sugnaa xafiiska Madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday xubnahaa in ay u faq daayaan Madaxweynaha. Laakiin waxa arrintaa ka cadhooday sida ay xoggahaasi sheegayaan xubnaha kulanka ku weheliyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha oo ku dooday in ay yihiin hogaankii xisbiga, isla markaana aanu gudoomiyuhu xaq u lahayn inuu dalbado in iyaga laga qarsado wax, taas oo dhalisay in Waabeeyo ugu hanjabo Gudoomiye Muuse Biixi in xilka laga qaadi doono haddii aanu aqbalin soo jeedintaa.
Gudoomiye Muuse oo ka cadhooday arrintaa, waxa uu boobay Albaabka, iyadoo waxba laysla meel dhigin.
Si kastaba ha ahaatee waxay arrintani dib usoo celisay khilaafka xisbiga Kulmiye oo si weyn mudooyinkii u danbeeyay u hadheeyay siyaasada dalka, balse u muuqday mid lasoo afjaray maalmihii ina dhaafay. Kadib markii Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ka tanaasulay musharxnimadii uu hore u shaaciyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *