Baqdad (Araweelo News Network)Xoogaga hubaysan ee Muslimiinta sunniga ah ee gacanta ku dhigay inta badan dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen Ra’uuf
Cabdi Raxmaan oo ahaa Garsoorihii xukunka del-delaada ah ku riday hogaamiyihii dalkaa Sadaam Xuseen sanadkii 2006.
Saraakiil ka tirsan xukuumadda Shiicada ah ee uu hogaamiyo Nuuri Al Maaliki oo laga qabsaday inta badan dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in mucaaradka sunigu gacanta ku dhigeen 16,June,2014, Garsoore Ra’uuf Cabdi Raxmaan, kadibna ay khaarajiyeen markii xukun lagu riday. Sida ay sheegeen.
Sidoo kale Hoggaamiye kasoo jeeda qoyska Marxuum Saddaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii dalka Ciraaq ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta xoogaga sunniga ah uu ku baxay Ra’uuf Cabdi Raxmaan oo hoggaaminayay maxkamaddii daldalaadda ku ridday Sadaam xuseen sanaddii 2006.
Higaamiye Beeleedkaa ayaa sheegay in Ra’uuf Cabdi Raxmaan la qabtay 16 Jun, isagoo doonayay inuu baxsado oo xidhan dharka dumarka Ciyaarta Rasqada ay caanka ku yihiin xidhan, isla markaana xilli habeen ah xukun del-delaad ah lagu riday.
Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadam Xuseen ayaa gacanta lagu dhigay markii ay ciidamada xulufada Maraykana iyo Britain dalkaa weerareen 2003, taas geyaysiisay in del-delaad lagu xukumo oo si foolxun loo dilay, taas oo lagu beegay maalin Ciid ah oo dunida Islaamka laga faraxsanaa.
Sadaam Xuseen oo dilkiisa si weyn looga argagaxay dunida Islaamka oo dhan, ayaa hore loogu dilay duqayn labadii wiil ee uu dhalay oo ay xulufada Maraykanka iyo Britain ku raad joogeen.