Garoowe(Araweelo News Network)Axmed Cabdi Xaavsade oo ahaa La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka ayaa  lagu soo dhaweeyey magaalada

 

Garoowe ee xarunta Maamulka Majeerteeniya. Kadib markii uu socdaal uu ku maray Jig-jiga ka badgalay halkaa, isagoo qaab tahriib ah uga baxay dalka.

Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay Xaabsade, wuxuuna la kulamay Cabdiweli Maxamed Gaas oo qaabilay, Xaabsade oo aan si dhab ah loo ogayn sababta socdaalkiisa Puntland oo uu kasoo goostay sagaal sideed sanadood ka hor, wuxuu yidhi,  “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku soo noqdo Putland oo aan hore aasaaskeeda wax ugu lahaa in door ahna aan ka maqnaa, haatanna aan u imi in aan dib wax uga dhiso oo aan ka hawlgalo, waanan idinku ballanqaadayaa in aan ka qaybgalayo, arrintaa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday in aan u imaado oo aan la shaqeeyo markii aan ka soo talax-gabay Somaliland oo aan wax la qabtay, laakiin, hadda aan ka jeclaaday in aan taydii asalka ahayd wax ka qabto. Markaa dhibaato ma jirto, gurigaygii, xafiiskaygii iyo dadkaygii ayaan u imi oo aan hamuun u qabo, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Axmed Xaabsade oo ka hadlayey soo dhawayntiisa.

Xaabsade oo ahaa xiligan Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arromaha soorashooyinka, aya maalmo ka hor u baxay dhinaca Jig-jiga ee Kililka shanaad ee Ethiopia, balse waxa uu uga gudbay dhinaca Galdogob ee gobolka Mudug, halkaas oo uu uga sii gudbay dhinaca Gaalkacayo oo uu xalay u hoyday, isagoo maanta gaadhay Gaeoowe oo uu hada ku suganyahay, waxa la rumaysanyahay in sababta docdaalka dheer ee uu kaga soo wareegay kumanaanka kilmotir ay tahay, isagoo ka cabsiqabay in aanay u suurta gelayn inuu maro dhinaca Sool iyo Buuhoodle oo ciidamada Somaliland ee jiidaha hore iyo xuduudaha uu ka baqay in ay qabtaan.

Xaabsade wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xiligan iyo xukuumaddii Marxuum Cigaal, balse 1995, ayuu ka goostay sidan oo kale Somaliland, isagoo xligaa ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse xilka laga qaaday, wuxuuna waqtigaa qayb ka noqday isaga iyo Garaad Cabdiqani oo mar ka wada tageen Hargeysa dhismaha maamulka Puntland, kaas oo uu xilal ka qabtay, balse mar kale kusoo laabtay Somaliland 2007, isagoo wixii mudadaa ka danbeeyay ku sugana Somaliland.

info@arawelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *